U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Lagu Ansixiyay Kulamadii Golayaasha Baarlamaanka Jamhuuriyadda?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku yeeshay kulamadoodii caadiga ahaa ayaa meelmariyay hindise-shaciyeedyo soo gaaray labada aqal, waxaana kulamadii maanta guddoomiyay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha aqallka sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde)  iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Golaha aqalka sare ayaa kulankoodii maanta ku meelmariyay  Xeer-hoosaadka golaha oo ay qaabayn iyo toosin ay ku sameeyeen kadib doodii Sanatorrada  ee akhrintii 3-aad. ayaa intaas kadib Goluhu ansixiyeen Xeer-hoosaadka golaha oo horey usoo maray akhrinta 1-aad iyo midda 2-aad, waxaana jira mudanayaal fikirkooda ka dhiibtay sida ay u arkaan kulankii maanta ay igu yimaadeen mudanayaasha golaha aqalka sare kalfadhiga labaad kulankiis 12-aad.

Golaha aqalka sare ayaa maanta akhrinta labaad marsiiyay sharciga hey’adda Sirdoonka qaranka, kaas oo ay soo ansixiyeen xildhibaannada golaha shacabka oo uu soo maray, Senatorrada qaar oo ka hadlay shacriga ayaa sheegay in aysan ka muuqan doorka dowlad goboleedyada, sida uu kulanka ka sheegay Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, waxaana uu carabka ku dhuftay in sharciga loo baahan yahay in la waafajiyo nidaamka federalka ee dalku qaatay.

Mudanayaasha  golaha shacabka ayaa maanta kulankoodii caadiiga ahaa ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, waxaana lagu ansixiyay laba hindise-sharciyeed oo golaha la horkeenay: Akhrinta 3-aad iyo U codeynta Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa: Akhrinta 3-aad iyo U codeynta Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed oo ay soo gudbay golaha wasiirrada xukuumadda.

 Xildhibaannada ayaa  maanta kulankooda akhrinta koowaad ku marsiiyay  Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga oo ay soo gudbisay wasaaradda Qorsheynta iyo hormarinta daqaalaha xukuumadda federalka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in golaha maanta uu hor yimid wasiirka wasaaradda Qorsheyn Cabdiraxmaan Maxmuud Beenabeene, isaga oo ka dalbaday golaha ay sharciga dedejiyaan.
 Labada aqal ayaa muddooyinkii ugu dambeeyasay waday dadajinta sharciyada muhiimadda u leh dalka, waxaana marar badan dhacday kulamada ay u baaqdaan kooram la’aan taas oo keentay in guddoonku ay ka keenaan canaan ay u jeedinayaan xildhibaannada, kulamadii maanta ayaa sidoo kale looga hadlay sidii mudanayaashu ay kaga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo musiiibadi ka dhacday dalka Turkiga.
Goobjoog News