U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlay Kulanka Golaha Wakiillada Galmudug? +Sawirro

Sheeko:Baarlamaanka
Golaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta oo arbaco ah yeeshay Kalfadhiga 5-aad kulankiisa 5-aad
Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa shir guddoominayey kulanka oo ay ku wehlisay Gudoomiye ku xigeenka labaad Faadumo Cabdi.
Kulanka oo ka qabsoomay maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka , ayaa waxaa Ajendaha ahaa

1. Bandhiga & Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Ururada & Xisbiyada Siyaasadda ee Galmudug. 2. Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Madaxabannan ee Doorashada Galmudug..
Wasiirka ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ayaa xildhibaanada Baarlamaanka lawadaagay ahmiyada uu u leeyahay Hindishe Sharciyeedka ururrada iyo xisbiyada siyaasadda ee Galmudug, waxaana kala wareegay guddiga Dastuurka Dib-u-hishiinta iyo arimaha gudaha Baarlamaanka Galmudug.
Baarlamaanka ayaa kulankaan kulankii ka horeeyay waxaa uu ku meel mariyay degmeynta degmooyinka Baxdo iyo Wisil oo ka kala tirsan gobollada Mudug Galgaduud, kuwaas oo dhowaan golaha wasiirradu ay ansixiyeen, iyaga oo kamid noqonaya degmooyinka hoos yimaada dowlad goboleedka Galmudug.
Goobjoog News