U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlay Kulanka Golaha Wakiillada Puntland?

Sheeko:Baarlamaanka

Kulanka golaha wakiillada dawladda goboleedka  Puntland, uu shir-guddoomiyey guddoomiyaha golaha DPL  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeennadiida ka 1aad iyo 2aad ayaa  ka qabsoomay magaalada Garowe.

Fadhiga maanta waxaa goob-joog ah 40 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ahaa ka doodista wax-ka bedelka xeerka maamulka gobollada iyo degmooyinka maamulka Puntland.

Xildhibaanada golaha wakiillada dawladda goboleedka Puntland ayaa intii kulanka uu socday kaga dooday wax ka bedalka  xeerkaas.

Wax-ka bedelka xeerka maamulka gobollada iyo degmooyinka Puntland oo maanta qodob-qodob looga dooday ayaa mudanayaasha golaha wakiillada, ayey  sii wadi doonaan ka doodistiisa maalmaha soo socda.

Kulanka maanta ay golahu isugu timaadeen ayaa ahaa kulankii 12-aada kalafadhigii 46-aad ee golaha uu sheesho, waxaana golaha hor yaalla xeerar dhowr ah.

Goobjoog News