U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlay Kulankii Labada Gole Baarlamaanka?

Sheeko:Baarlamaanka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ay weheliyaan ku-xigeenadda labada Aqal ayaa maanta shir gudoomiyey Kulan guud oo Labada Gole ee baarlamaanka wada la haayeen, kulankaas oo Ajandihiisu ahaa qaybinta miisaaniyada sanadka 2022.
Gudoomiyaha golaha Shacabka ayaa sheegey in beri la shaacin doono guddi ku meel gaar ah oo Labada gole ka kooban kaas oo miisaaniyadda ka soo shaqeeya, Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ku nuux nuuxsadey in beri uu jiri doono kulanka guud ee golaha Shacabka.
Dhanka kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dhowaan madaxweynaha Jamuhuuriyadda Federalka Soomaaliya  u magacaabay Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Abaaraha ayaa waxbixin ku aaddan xaalada Abaaraha dalka looga dhageystay gaar ahaan isaga oo sheegay gobolada ugu badan ay saameeysay Bay iyo Bokool iyo Gobolka Gedo waxaana uu xildhibaanada ka codsaday in mushaharaadkooda qeyb ugu deeqaan gurmadka Abaaraha, waxaana uu Guddoonka la wadaagay in lacagihii la qaaday Musharaxiintii Guddoonka labada aqal iyo tan madaxweynaha.
Dhanka kale Wasiirka maaliyada Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo isna warbixin ku aaddan miisaaniyada sanadkan looga dhageystay ayaa waxaa uu sheegay in diyaarinta miisaaniyada sanadka 2022 ay saameysay dib u dhac ku yimid dhameystirka hannaanka doorashada Federaalka, taas oo qasabtay in la diyaariyo miisaaniyad ku-meelgaar ah taas loo yaqaano Miisaaniyada sedex biloolaha.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuryadda Federalka Soomaaliya  mudane Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa ugu dambeyn kulanka ka sheegay in waqtiga aad loo ilaaliyo si xildhibaanada waqti fican ugu helaan ka doodidda Ajendiuaasha markaa taagan.
Goobjoog News