U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulamada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Federalka?

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya labadiisa gole ayaa maanta oo sabti ah waxaa ay kulan ku leeyihin magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana ay ka wada hadli doonaan ajendayaal dhowr ah, kuwaas oo horey u soo gaaray Baarlamaanka labadiisa aqal.

Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda ayaa kulankooda waxaa lagu wadaa in akhrinta labaad ay ku mariyaan Hindise-sharciyeed Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka qaranka, kaas oo dhowaan ay meel mariyeen golaha shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Golaha ayaa waxaa sidoo kale waxaa aay Akhrinta sedexaad  marsiin doonaan hindise-sharciyeed xeer -hoosaad golaha aqalka sare, kaas oo golaha ay horey Akhrinta 2-aad iyo midda 1-aad ay soo marsiiyeen, iyadoo maanta Senatorrada ay codka u qaadi doonaan meel marintiisa.

Waxaa maanta sidoo kale kulan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ku yeelanaya  xildhibaannada golaha shacabka, waxaana looga hadlayaa ajandayaal kala ah : Akrinta saddexaad ee hindise sharciyeedyada kala ah nidaamka maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostisa ah, dhismaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, iyo akrinta koowaad hindise sharciyeedyada kala ah dhawrista maalgashadyaasha iyo maalgashiga, iyo hindise sharciyeedka socdaalka. Sidoo kale waxaa la qeybinayaa hindise sharciyeedyada kala ah:- dhawrinta xogta iyo maareynta deegaanka. kulanka oo dhacaya xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho ayaan la shaacin hindisaha ay maanta ka doodayaan, golaha shacabka ayaa waxaa horyaal hinside sharciyeedyo dhawr ah, waxaan ka mid hindisaha dhismaha hey’adda socdaalka.

Kulamada golaha shacabka ayaa dhawr jeer u baaqday koorom la’aan, waxaa arabacadii guddoomiye ku xigeenka aqalka hoose sheegay in ay la xisaab tamayaan xildhibaanada aan soo xaadirin kulamada aqalka, waxaana dhowr jeer guddoonka golaha ay soo saareen digniino ku aadan maqnnaashiyaha.

Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka labadiisa gole ayaa muddooyinkii dambe si dardar leh u waday shaqooyinkooda, iyagoo meel mariyay hindisayaal dhowr ah, golaha aqalka sare ayaa wada akhrinta iyo faafreeb shirka hey’adda Sirdoonka Qaranka, kaas oo kasoo gudbay golaha shacabka.

Goobjoog News