U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulamada Labada Aqal Ee Baarlamaanka?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamanaka Jamhuuriyadda Federalka ayaa maanta kulamo ku leh magaalada Muqdisho iyadoo laga hadlayo ajandayaal dhowr ah, kuwaas oo horyaalla labada aqal ee Baarlamaanka

Ajendaha golaha aqalka sare ayaa kala :

1.Qaybinta Xeerka Gaarka ah ee Habraaca Nidaamka Dib u eegista iyo Wax-ka beddelka Dastuurka KMG, xeerjaas oo ah mid muddo kordhin loogu sameeynaya xilheynta Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

2. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga.

3. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

Sidoo kale waxaa kulan leh golaha shacabka iyaga oo ka doodaya ajandayaasha kala ah:

1. Ka doodista Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada

2. Qeybinta Warbixinda Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedyada kala ah
A) Dhowrista Xogta
B) Maareynta Deegaanka

Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka ayaa muddooyinkii dambe shaqoodu aheyd mid si hagaasan u soto, iyadoo la xusuusto, in ay meel mariyeen sharciyo dhowr ah, kuwaas oo muhiimad iyo hortabiun u leh dalka iyo dadka.

Goobjoog News