U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulan Golaha Shacabka?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomalaiya ayaa maanta oo Isniin ah kulan ku leh xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka ayaa kala aha:

1. Ansixinta Xubnaha Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

2. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrist Xogta.

3. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya.

4. Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada. Mahadsanidiin.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa muddooyinkii dambe waday shaqooyin deg deg, iyagoo meelmariyay sharciyo dhowr ah, kuwaas oo gudbay aqalka sare.

Goobjoog News