U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Bari Ee Baarlamaanka?

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa lagu wadaa in maalinta bari Muqdisho ay ku kulmaan labada gole ee Baarlamaanka federalka Soomaaliya, kulankaas ayaa waxaa looga hadli doonaa ajandayaal dhowr ah oo ku qotoma doorashada guddoonka labada aqal iyo midda madaxweynaha oo lagu wado in dhowaan ay ka dhacaan caasimadda.

1. Ansaxinta wax ka badelka Habraaca ku-meel-gaark ah ee u gaarka ah Doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha.
2. Warbixin ku saabsan hawlaha u qabsoomay iyo kuwa soo socda ee Guddiga Qabanqaabada Golaha Shacabka.
Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa dhowaan lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka federalka Soomaaliya, waxaana labada gole siyaabo kale duwan u magacaabeen guddiyo, kuwaas oo qaban qaabinaya doorashada guddoonka labada aqal ee BJFS.
Goobjoog News