Xildhibaanada golaha shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh Villa Hargeysa, iyaga oo ka doodaya ajandayaal dhowr ah oo golaha loo soo gudbiyay.
Ajendaha kulanka ayaa kala ah:
1. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada
2. Akhrinta 3aad iyo u Codeynta Hindise Sharciyeedka ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka
3. Akhrinta 3aad iyo u Codeynta Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta
4. Qeybinta warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumaysiga Soomaaliyeed.
Xildhibaannada ayaa ay macquul tahay ina y ansixiyaan sharciyada maanta horyaalla marka laga reebo Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumaysiga Soomaaliyeed oo maraya akhrinta labaad.
Goobjoog News