U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Golaha Shacabka ee Maanta

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibanaada golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyay ee kalfadhiga 7-aad ku yeelanaya xaruntooda magaalada Muqdisho ka dib markii uu sidaasi shaaciyay guddoonka golahaasi.

Kulankan oo noqonaya  mid xasaasi ah ayaa waxaa looga doodi doonaa sharciga axsaabta oo ah mid ahmiyad weyn u leh saamileysa siyaasadeed ee dalka xilli ay bilooyin koobana y ka harsanyihiin doorashooyinka qaranka.

Xildhibaanada ayaa la faray inay gutaan waajibaadkooda ku aaddan sidii ay kulanka u soo xaadiri lahaayeen waxaa dhinaca kale loo jeediyay inay soo akhriyaan shuruucda sharciga maanta laga doodayo.

27-ka bishan guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa lagu wadaa inay horyimaadaan xildhibaanada golaha shacabka si ay ugu jeediyaan arrimo la xiriira doorashooyinka dalka ku soo wajahan iyo nuuca ay noqon doonaan.

Goobjoog News