U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Xildhibaannada Golaha Shacabka?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ah ku leh xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada caasimadda ah Muqdisho, kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa dhowr ajende oo golaha horey uga soo gaaray wasaarado dhowr ah oo ka tirsan xukuumadda Dan-qaran.

Xildhibaanka Cusub ee Xasan Hurre Ugaas , kaas oo dhawaan ku guuleystay kursiga HOP#203 oo doorashadiisa ka dhacday Magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in maanta loo dhaariyo kursiga waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Xamse Cabdi Barre, ka hor inta aan loo idman xilka.

Ajendaaasha kale ee golaha maanta looga hadli doono ayaa kala ah;

  1. Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta
  2. Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka
  3. Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Ladagaalanka Argagixisada
  4. Qeybinta Warbixinada Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedyada kala ah
  5. A) Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha
  6. B) Socdaalka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa shaqadoodu waxaa ay ku socotaa si derdar leh, iyaga oo Sabtidii todobaadkaan  ansixiyay  Hindise sharciyeedyada kala ah:  Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Hindise sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee Kheyraadka dhulka hoostiisa.