U bood dhigaalka

Akhriso: Natiijada Doorashada 6 Kursi Oo Lagu Doortay Jowhar

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Jowhar ee xarunta u ah maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa goordhow kusoo idlaatay doorashada lix kursi,kuwaas oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda federalka ah ee Soomaaliya.
1Kursiga tirsigiisu yahay Hop# 005 ayaa waxaa kusoo baxay musharx xildhibaan Maxamed Cumar Ceymooy, waxaana uu 73 cod kaga guulaystay Maxamed Cumar Ali oo la tartamay waxaana uu helay 13 cod, waxaana halaabay 7 cod.
2Kursiga tirsigiisu yahay Hop#052 ayaa waxaa kusoo baxday mushax xildhibaan Farxiya Maxamuud Dhaqane oo 93 cod ku guulaysatay, kadib markii Faaduma Yuusuf Cumar ay ka tanaasushay tartanka kursiga.
3 Kursiga tirsigiisu yahay Hop#088 ayaa waxaa kusoo baxday musharrax xilfdhibaan Dahabo Suusow Maxamuud kadib markii ay ay tartanka ka tanaasushay Dahabo Maslax Buubow, waxaana ogolaaday 81 qof halka 4 ruux ay ka aamustay.
4 Kursiga tirsigiisu yahay Hop#97 ayaa waxaa kusoo baxday wasiirkii garkaar Khadiijo Maxamed Diiriye waxaana dhacday kursiga ay ka tanaasushay tartankiisa Hodan Maxamed Xirsi oo aheyd musharrax, waxaana ogolaaday 99 ruux.
5Kursiga tirsigiisu yahay Hop#98 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Maxamed Maxmuud jimcaale, cod gacan tag ah, kadib markii ay tartanka ay ka tanaasushay Uabax Haashim oo kursiga ku tartamaysay.
6 Kursiga tirsigiisu yahay Hop#33 ayaa waxaa kusoo baxay Yuusuf Ibraahim Afrax, kaas oo 65 cod kaga guuleystay musharrax Maxamed Xuseen oo helay 22 wadarta guud codadkii la dhiibtay oo ahaa 97 cod.