U bood dhigaalka

Akhriso: Natiijada Doorashada Boosaaso

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa maanta lagu doortay 16 kursi, kuwaas oo katirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad  oo horay guddiga ay u shaaciyeen doorashadooda.

1: Kursiga tirsigiisa HOP#157 waxa kusoo baxay xildhibaan Maxamuud Axmed Aadan Geesood, kadib markii uu tanaasulay musharraxii kula tartamay musharrax Iidle Cali Axmed, kursigaan ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey  Maxamed Cabdullaahi Faarax oo Puntland afartii sano ee la soo dhaafay ku matalayey BJFS.

Image

2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#227 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Qambi, kadib markii ay  ka tanaasushay  Aamina Maxamed Ciise, waxaa Baarlamaankii 10-aad a ku fadhiyey Cabdicasiis Maxamed Maxamuud, waxaana uuna kamid yahay xildhibaanada dib ugu soo laabtay kuraastooda.

Image

3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#273 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Bashiir Cabdi Maxamed(Americo) waxaa tanaasushay musharrax Sahra Maxamed Maxamuud, kursiga  waxaa Baarlamaankii 10-aad  ku fadhiyey Cabdi Maxamuud Maxamed (Afdhuub).

May be an image of 2 people and text that says 'SH'

4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#234 waxaa kusoo baxday xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir, kadib ay  ka  tanaasushay musharraxii labaad ee kursiga Aamina Cabdiwali  Maxamed, waxaana ay kusoo baxaday cod gacantaag ah oo dhan 101 cod.  waxaa kursigaan  Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay Deeqa Siciid Xasan.

Image

5: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#169 waxaa kusoo baxay xildhibaan Mahdi Cali Maxamed,kadib markii kursiga ay ka tanaasushay musharrax  Xafsa Cali Axmed. waxaana uu kusoo baxay 97 cod oo gacantaag ah, kursigaan ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan.

Image

6: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#083 waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Bashiir Cali, kadib markii ay tartanka ay ka tanaasushay musharrax Aamina Maxamed Ciise, waxaana uu kusoo baxay codad gacantaag ah oo dhan 95 cod, kursigaan waxaa uu kusoo baxay 100 cod oo gacantaaga ah waxaa Baarlamaankii 10-aad  ku fadhiyey Cabdullaahi Bile Nuur.

Image

7: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#076 waxaa kusoo baxay Muuse axmed Ismaaciil oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed, kadib markii uu tanaasulay musharrax Siciid Maxamuud Maxamed, waxaana uu ku guulaystay codad gacantaaga ah oo dhan 101 cod, kursigaan waxaana waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey  Maxamuud Xayir Ibraahim.

Image

 

8:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#158 waxaa kusoo baxay xildhibaan Saadaam Maxamed Cabdi , waxaana kula tartamay musharrax Muna Maxamuud Dalmar, waxaa uu kusoo baxay codad gacantaag ah oo gaaray 100 cod, waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Cilmi Cumar Cilmi (Caysane).

Image

9: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#149 waxaa kusoo baxay xildhibaan Faysal Axmed Wahaabi, kadib markii ay ka tanaasushay kursiga  musharrax Faaisa Cabdixakiim Maxamed, oo ahayd  musharraxa, waxaana uu kusoo baxay codad gacantaag oo 101 cod ah, kursigaan waxaa labaad Baarlamaankii10-aad ku fadhiyey Axmed Ismaaciil Maxamed.

Image

 

10:Kursiga tirsigiiasu yahay HOP#027 waxaa kusoo baxay xildhibaan Siciid Cali Muuse, kadib markii tartanka uu ka tanaasulay musharrax  Cabdulqaadir Jaamac Cabdi, , waxaana uu kusoo baxay codad gacan taag ah oo gaaraya 98 cod, waxaa Baarlamaankii 10-aad  ee golaha shacabka ku fadhiyeuy Siciid Xuseen Ciid,

Image

11:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#220 waxaa kusoo baxay xildhibaan Cali Xaaji Daahir Saleebaan, kadib markii uu tartanka ka tanaasulay Axmed Burhaan Cumar, waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyeuy Siciid Xuseen Ciid, waxaana uu ku guulaystay codad gacantaag ah oo gaaraya 98 cod.

Image

12: HOP#036 waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Aadan Diini, kadib markii tartanka kuraiga ay ka  tanaasushay musharrax Faaisa Jaamac Muuse, waxaa, waxaana uu kusoo baxay cod gacantaag ah oo 99 cod ah, kursigaan  Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo afartiisano ee tagtay ku matalayey BJFS.

Image

13: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#0142 waxaa kusoo baxay xildhibaan Ismaaciil Shire Jaamac,waxaana kula tartamayey  musharrax Siciid Maxamuud Maxamed, kursigaan waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey   Maxamuud Xayir Ibraahim ,kaas oo afartiisano ku matalaayey golaha shacabka.

14: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#228 ayaa kusoo baxay xildhibaan Cabdulaahi Faarax Mire, waxaana kula tartamaysay musharrax Xamdi Cabdullaahi Maxamed, waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Maxamuud Axmed Ciise.

15:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#222 waxaa kusoo baxay xildhibaan Caynaanshe Yusuf Xuseen, waxaa kula tartamaysay musharrax  Xamdi Cabdullaahi Maxamed, waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Maxamuud Axmed Ciise, kaas oo afartiisano ku matalaayey.

Image

16: Kursigiisu yahay 190  waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed, waxaana kula tartamay  Siciid Maxamuud Maxamed, kursigaan waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka FJS ku fadhiyey Cabdinaasir Siciid Muuse,

Image

Goobjoog News