U bood dhigaalka

Akhriso: Natiijada Laba Kursi Oo Jowhar Lagu Doortay

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa goordhaw magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle lagu soo gaba gabeeyay doorashada kuraas ka tirsan golaha shacabka.

Kuraasta maanta la dooranayay ayaa gaaraya laba kursi oo tirsigoodu kala yahay HOP#070 iyo HOP#115, kuwaas oo ay kuwada tartameen musharixiin dhowr ah.

Kursiga koowaad waxaa ku tartamay musharixiinta kala Cabdirahman Maxamed Sheekh iyo Maxamud Cali Bariiise, waxaana kursigaan tirsigiisu uu yahay HOP#070.

Waxaa ku guuleystay kursigaan xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheikh Maxamuud kaas oo helay 71 cod, halka Maxamud Cali Bariiise uu helay 14 cod.

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga HOP#070 oo uu ku guuleystay Cabdiraxmaan Maxamed Sheikh Maxamuud .

Kursiga HOP#070 waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku matalayay dadka Hirshabeelle xildhibaan  Aadan Cali Xasan, iyadoo afarta sano ee soo socota uu ku fadhin doono Cabdiraxmaan Maxamed Sheikh Maxamuud .

Kursiga labaad waxaa ku tartamay musharixiinta kala Cali Maxamed Cumar  iyo Mulki Cabdullahi Islaaw, waxaana kursigaan tirsigiisu uu yahay HOP#115.

Waxaa ku guuleystay kursigaan xildhibaan Cali Maxamed Cumar  kaas oo helay 86 cod oo gacan taag ah, kadib markii ay tartanka ka tanaasushay musharax Mulki Cabdullahi Islaaw.

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga HOP#115 oo uu ku guuleystay Cali Maxamed Cumar.

Kursiga HOP#115 waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku matalayay dadka Hirshabeelle xildhibaan  Cali Maxamed Cumar, isaga ayaana ku soo laabtay.

Kuraastaan ayaa horay loogu balan sanaa in ay doorashadooda dhacdo 6 bishaan aheyd maalinimadii Axadda ee todobaadkaan.

Goobjoog News