U bood dhigaalka

Akhriso: Natiijooyinka Hordhaca ah Ee Doorashada Kenya iyo Waqtiga Lagu Dhawaaqayo

Sheeko:Caalamka

Shacabka dalka Kenya kuwooda jooga dalka iyo dibadda ayaa  u dhagtaaya ogaashiyaha madaxweynaha dalka xukmi doona shanta sano ee soo socota, kadib doorashada oo soo idlaatay ayna socoto tirinta codadka, guddiga madaxabannaan ee lagu magacaabo  IEBC ayaa heysta muddo Todobaad ah oo ka bilaabanaysa maalinta ay dhacdo codeynta doorashada dalka.

Taas waxay ka dhigan tahay in hadda ay kasii dhammanaayaan afar maalmood oo waqtigaas ah waxa u harayna ay yihiin saddex maalin oo ku eg Isniinta, si kasta oo ay dib ugu sii dhacdo ku dhawaaqista oo loogu dheeraado tirinta codadka, ugu dambayn Talaadada waxaa la og yahay magaca madaxweynaha cusub ee Kenya,doorashada ayaa ah mid aad la isugu hayo.

Natiijada kuraasta baarlamaanka ayaa muujinaysa in ay si aad ah isugu dhow yihiin labada nin ee uu loollanka adag ku dhex marayo kursiga madaxweynaha, oo kala ah Madaxweyne ku-xigeenka,William Ruto iyo Raysul Wasaarihii hore RailaOdinga Xogta laga soo xigtay Guddiga Doorashada oo ay BBC-du baahisay ilaa hadda hayso waxaa codadka hoggaaminayo Ruto.

Doorashadan ayaa noqotay mid aad uga duwan kuwii horay uga dhacay Kenya, sababtoo ah guddiga doorashadu toos uma aysan shaacinayn natiijooyinka hordhaca ah ee ay helaan, tallaabadan ayaa u muuqata mid loogu hoggaansamayo amarkii Maxkamadda ugu sarraysa kasoo baxay 2017-kii, taas oo dhigaysay in laga gaabsado baahinta natiijooyinka hordhaca ah.

Goobjoog News