U bood dhigaalka

Akhriso: Nuxurka Hadal Jeedintii Musharraxiinta Guddoomiyaha Aqalka Sare

Sheeko:Baarlamaanka

Senatarrada aqalka sare ee Baarlamaanka federalka Soomaaliya ayaa maanta dhegaystay hadal jeeedinta sedex musharrax oo u taagan kursiga guddoomiyaha aqalka Sare,kuwaas, ka horjeediyay golaha waxqabadkooda haddii ay guulaystaan, waxaa maanta golaha horatay musharraxiinta kala Salaax Axmed Jaamac, guddoomiyihii hore  Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wasiirkii hore ee Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe

Hadal jeedinta Saalax Axmed Jaamac

“Walaalayaal waxbarashadaydii hore culluumta siyaasadda ayaan kusoo takhasusay, qaasatan qeybaha Dimuquraadiyeenta  iyo dal dhiska, xaga shaqada lama soo shaqeyn hey’adaha caalamiga ah iyo cilmi barista ee waxaa dhowr iyo toboneeyo sano ka shaqaynayey hadda doorar kala duwan, siyaasadaha loo dhan yahay ayaan doorar kala duwan kaga soo shaqaynayey, ama Booliiska ka shaqeeyo sidaa loo helaa Booliis dhowr heer ah oo bulshada u adeega, ama aan soo joogo wasaaradda arrimaha gudaha oo aan ka shaqaynayey shuruucda xasaasiga ah ee doorashooyinka la xiriiraha, sharciga xisbiyada iyo kan doorashada ama aan qeyb ka ahaado howlwadeennadii yagleeliddii maamulladii intii dhineed ama aan Cadaado kasoo shaqeeyo ama Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle markii la aasaasayey”

Wasaaradda Dastuurka iyo Shaqada intaan ka shaqaynayey waxaan si dhow ula socday oo aan u arkayey caqabadaha siyaasiga ah oo aan u arkaayay mid hortaan qaran dhiska, waxaa ay taas I dhaxalsiisay inaan helo xirfado muhiim u ah hoggaaminta siyaasadeed, khaasatan aqalkaan oo kale, xirfadahaas oo ay nafarayaan dhaqanka wanaagsan ee dowladnimadu in go’aannada lagu gaaro siwadar ogol ah.

“Aqalkaan waa aqal ka dambeeyay golaha shacabka, waase aqal door cayiman oo ballaaran Dastuurku siiyay, wuu dhigmaa ee kama hooseeyo hey’adda kale ee shrci dejinta, ee la isku yiraahdo golaha shacabka, waa dhardhaar kamid ah, waxaa u gaar ah inuu gobolada matalo, marka aad barabar dhigto Senator- rada Adduunka, waxaad moodaa inuu ka duwan yahay aqalkaan kuwaas kale, waxaad moodaa doorkii la rabay inuu qaato inuu xoogaa mugdi ah uu ku jiro ama cilaaqaadkii uu lalahaa golaha shacabka iyo hey’adaha kale ee dowliga ah in ay wax hareeyeen, waxaa la oran karaa waa intii uu ka dambeeyay ama uu ku jiray in la dhiso”

“ Waxaan idiin ballan qaadayaa, haddii aad idoorataan, Illaahna uu halkaas ii calfo, in aanu xaqiijin doono, annaga oo wadajirna, doorka uu aqalkaan qaadan karo, walaalayaal waxaan wada ognahay, guddiyada Baarlamaaniga ah ee Adduunka ka jira, laakiin waxaan rabaa inaan kusoo gunaanado aqalkaan sare howlaha dib u dhiska qaranka, halkeebuu qeyb ka qaadan karaa, waxaana aaminsanahay waxaa uu qeyb ka qaadan karaa 3-da arrimood ee soo socda.

  • Waxaa uu hormuud ka noqon karaa arrimaha federaaleynta, ee ku cad Article 54, 44 iyo kheyraad wadaagga aqalkaan ayaa hurmuud ka  noqon kara.22
  • Waxaa kale uu hormuud ka noqon karaa arrimaha Dimuquraadiyeenka iyo dowlad wanaagga.
  • Waxaa kale uu hormuud ka noqon karaa dib-u –eegista Dastuurka.

Waa sedex arrimood oo isku xiran oo isku dhafan oo dhammaantood aan anigu si toos ah aan uga soo shaqeeyay intii aan joogay he’adahaas kala duwan, haddii aqalkaan uusan hormuud ka noqon madaxweyne iyo Ra’iisulwasaare markaas jooga macquul maahan in lagu daayo, dib u eegistii Dastuurka iyo federalaynta waxaa ay u dabran yihiin tobaneeyo qodob,

  • Waxaa kamid in meel dhigay maqaamkii Muqdisho
  • Waxaa kamid ah in la helo hannaan Soomaalida isku doorato oo aan xabo la isku guran la isla meel dhigo.
  • Waxaa kamid ah in kheyraad wadaagii la saxo
  • Waxaa kamid ah awood qeybsiga iyo waajibaadka iyo heerarka kala duwan ee dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Doodaas meesha ugu munaasabsan ee ugu madax bannaan ee matalaad sugan lagu heystaa ee laga fulin karaa waa madashaan, aqalkaan sare waxaa uu noqon karaa aqal hal abuur leh, oo hormuud ka noqda qaran dhiska iyo siyaasadda Soomaaliya, waxaan ku rajo waynahay afarta sano ee soo socota inaan wax weyn ka badalno dowladnimada Soomaaliyeed, khaasatan sharciyada aas aaska dowladnimada.

Hadal Jeedintii Cabdi Xaashi Cabdullaahi 

Mudanayaal iyo Marwooyin haddii aad ii doortaan xilka guddoomiyaha waxaan hortabinta koowaad siinayaa arrimaha soo socda.

  • Dib u-eegista iyo dhammeystirka Dastuurka.
  • Dhismaha golaha adeegga Garsoorka si loo helo garsoor madaxbannaan.
  • Dismaha maxakmadda dastuuriga ah six al loogu helo khilaafaadka ka dhasha Dastuurka.
  • Dhismaha guddiga la dagaalanka mususmaasuqa si loo tirtiro musuqmaasuqa.
  • Dardargelinta in maqaamka caasimadda si cad loogu qeexo dib –u –eegista Dastuurka KMG labada aqal Baarlamaanka federalka u meel mariyaan sharciga gaarka ah ee maqaamka Muqdisho sida ku qeexan qodobka 9-aad ee Dastuurka KMG.
  • Ka doodista iyo meel marinta shuruucda la horkeeno iyo aqalku ka talageliyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah.
  • Korjoogteynta hey’adaha dowladda si waafaqsan Dastuurka. Ilaalinta nidaamka federalka ee dalku qaatay si waafaqsan qodobka 61-aad faqradiisa 3-aad iyo
  • Matalaadda danaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda fedralka sida ku qeexan qodobka 71-aad ee Dastuurka.
  • Adkeynta midnimada iyo wadajirka midnimada Soomaaliya taas oo ku timaada cadaalad iyo is ogol.
  • Adkeynta wadashaqeynta labada aqal ee Baarlamaanka federalka Soomaaliya iyo dardergelinta dhismaha guddiga adeega Baarlamaanka.
  • Dardargelinta sameynta xeer hoosaad wada jir ah oo ay kuwada shaqeeyaan labada aqal ee Baarlamaanka federalka Soomaaliya.
  • Waxaan diyaarin doonnaa safarro aqoon kororsi oo Senator-radu ay ku tagaan dowladaha hirgeliyey nidaamka federalka isla markaana leh Baarlamaank ka kooban laba aqal si looga soo faaiideysto khibradda iyo waayo aragnimada ku saabsan sharci sameynta iyo habka ugu wanaagsan ee ay kuwada shaqeeyaan Baarlamaanka ka kooban laba aqal.
  • Waxaana xoogga saari doonnaa in Senator-rada ay helaan gunno deegaan iyo mid caafimaad.
  • In aqalku xiriir wanaagsan la yeesho Baarlamaannada Adduunka iyo goboleed.
  • In howl wadeennnada aqalka sare la siiyo tabarro kor loogu qaadayo aqoontooda iyo waayo aragnimadooda
  • Aqalku waxaa uu gacan ka geysan doonaa in labada heer dowladeed si dastuuri ah oo is ogol ah uaga shaqeeyaan wax u qabadka bulshada Soomaaliyeed
  • Aqalka sare waxaa uu sidoo kale gacan weyn ka geysanayaa in doorashada dadban ee haatan soo idlaatay ay noqoto tii ugu dambaysay dalkuna uu galo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamaan axsaab siyaasadeed.

Waxaan hadalkayga kusoo gunaanadayaa, mahad ballaranna u jeedinayaa, guddoomiyaha KMG ah ee aqalka sare, guddoomiyaha  iyo guddiga doorashada iyo howlwadeennada aqalka sare iyo howlkarnimada ay u soo diyaariyeen doorashada guddoonka aqalka sare

Hadaljeedintii Cismaan Abuukar Dubbe.

“ Waxaan horaantii Todobaatamaadkii aan ku dhashay deegaanka Burco gobolka Togdheer, waa taariikh ku leh Soomaaliya, waxaa ku dhashay Hadraawi, Cali Sugulle iyo Cumar Dhuule, waxaa ku dhashay culimada waaweyn sida Sheekh Mustafa Ismaaciil.

“Haddii dowlad dhiskaan cusub ee 2022-ka haddii aanan u guntan, waxaan hubaa inaan khatar galayno, baahida midnimada loo qabo manta ayey ka badan tahay 60-kii, waxaan isla doonaynay 5-ta Soomaaliyeed oo dhan, maantana gudaheenii ayaa isdiidnay oo sii kala fogaanayna, midnimo iyo wadahadal aan aqalka sare door ku laheyn waa qabyo”.

“ Waxaan musharraxiinta kale kaga duwanahay waxaan aqoon durugsan u leeyahay Somaliland, waxaan xasuusanahay 1991-kii sida ay u keed Hargeysa, aad ayey u dunsaneyd inta dhisanna ma laheyn dhisme ama Jiingad, Masaajid ku yaallay guriga shaqaalaha ayaan seexan jirnay markii aan weynay meel aan seexano, burburka ka jiray”

Guddoomiyenida kama rabo inaan wax ka helo,waxaana rabaa inaan uga tago wax ay ku noolaadaan Jiilka dambe, aqal dhisan iyo jiilasha soo socda iyo dal nabdoon oo isjecel oo midaysan, goleheenna ayaa la isugu imaanayaa haddii aan noqono gole isku duuban, haddii aad fursadda iisiisaan inaan hugaamiyo aqalkiina afarata sane waxaan ballan qaadayaa

  • Waxaan ka shaqeyn doonaa nabadda iyo dib u heshiisiinta umadda Soomaaliyeed.
  • Golaha waxaana ka dhigi doonaa gole ay mahdiyaan shacabka Soomalaiyeed.
  • Waxaana ka shaqeyn doonaa dahanooda iyo xiriirka xukuumadda iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka.
  • Maadaama  aan aqoon u leeyahay golaha waxaan kusoo dari doonaa golayaasha caalamka ee dhigiisa ah si aan u wadaagno khibradda iyo aqoonta.
  • Waxaan xilgaar ah iska saari doonaa badqabta Senatorrada, haddii ay ahaan leyd ciidanka ilaaliya, gaadiidkooda iyo deegaankooda.
  • Inaan kor u qaadi doono mushaarka Senatorrada maada aysan ka tirsaneyn golaha xukuumadda, suurtogal maahan in golaha laba mushaar qaato halkaanna hal la fadhiyo taas aniga ayaa idinka ballan qaadayo in ay san dhici doonin.
  • Laba sana gudahood waxaan Senator waliba usameyn doonaa xafiis u gaar ah iyo xogheyn, waxaan dulka sare ee aqalka uga dhigi doonaa guryo jiifa ama abaarnment.
  • Dib u dhici mayso Senator ka walwala safar caafimaad, sahey safar iyo daryeel.
  • Waxaan noqon doonaa guddoomiye u dhaxeeya Senatiorrada oo la saaxiib ah oo ay u siman yihiin, shaqadiisana u guta si ku dhisan sharci, sinnaan iyo Soomaalinimo.
  • Aqalka sare waxaan ka dhigi doonaa golaha ugu muhiimsan golayaasha kale ee qaranka, waxaana ka dabatagi doonaa awoodihii laga leexsaday aqalka sare.
  • Shaqaalaha aqalku waa ay dayacan yihiin waxaa ay heli doonaan daryeel mar dambe dhicimayso in la yiraahdo shaqaale rayid ah matihidiin.
  • Waxaana xoogga saari doonaa curinta hindise-sharciyeedyo, ka turjuma waxtarka aqalka sare, waxaan noqon doonaa guddoon idin la tashada.
  • State-yada waxaan ka dhisi doonaa xarumo aqalka sare uu leeyahay oo la shaqeeya dowlad goboleeyada, waxaana ku badan doonta booqashadayda.
  • Waxaan dhisi doonaa gole awood u leh hirgelinta Dastuurka adkeynta iyo xoojinta dowladnimada nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.

Goobjoog News