U bood dhigaalka

Akhriso: Nuxurka Khudbaddii Madaxweyne Deni Ka Horjeediyey Furitaanka Golaha Wakiillada Puntland.

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta magaalada Garowe ka furay kalafadhigii 46-aad ee golaha wakiillada maamulkasi, isaga oo golaha ka horjeediyey khudbad uu dhinacyo badan kaga hadlay .

Madaxweynaha ayaa ayaa intii khudbaddiisu socotay waxaa uu soo hadal qaaday  wixii u qabsoomay xukuumadda mudadii ay dhisneed, isaga oo dhinaca kale ku dhaliilay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya arrimo dhowr ah oo weli aan xal laga gaarin, sida doorashooyinka 2020-202021-ka,  dib-eegista dastuurka, qeybsiga Kheyraadka iyo wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland .

“Waxaa shirkii Garowe ka soo baxay arrimaha federaaleynta iyo doorka Puntland, sida dib-u eegista dastuurka, doorashooyinka dalka 2020-2021-ka, qeybsiga awoodaha iyo kheyraadka, wadashaqeynta dowaladda federaalka iyo dowaladaha xubnaha ka ah iyo wadahadallada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Waxaana ballan qaadeynaa inaan dadaal xoogan gelindoonno fulinta talooyinkaas inta lagu gudo jiro muddo xileedkeenna, si looga tashto doorashooyinka, anigoo tixgelinaayo waxaan qaatay go’aan ah inaan dhigno gogoshaas magaalada Garowe oo ay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo sidoo kale inaan safarro ku tagno magaalada Muqdisho iyo caasimadaha maamullada, laakiin nasiib adrro dowladdu baaqaas kama soo kawaabin “ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweynme Deni oo sii hadlayo ayaa yiri” Waxaan Baarlamaanka iyo dadweynha Puntland aan u cadeynaynaa  Puntland ay diyaar u tahay  in laga wadahadlo arrimaha masiiriga ah ee Soomaaliya, lakiin dowladda federaalka ay tahay ciddda diidan in wadaxaajood la galo isfamna laga gaaro arrimaha cakiran.  Arrimaha federaalka Puntland waxaa lagu dhisay hadafka ah hab-dowladeed dadka reer Puntland ay isku maamulaan isla markaana la raadiyo dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka federaalka oo puntland ay sidaas uga mid noqoto. Waxaan la soconaa dowladda federaalka ah in ay ku fashilantay dhammeystirka dastuurka, awood qeybsi kheyraad nidaamka maamul maaliyadeed, nidaamka maamul garsoor iyo maqaamka caasimadda oo dhammaantood aas aasi u ah hirgelinta nidaamka federaalka wadanka” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sheegtay dowladda iyo diwlad goboleedyadu kulmeen halmar intii uu xilka haayey” Intii aan xilka la wareegay waxaa dhacay hal kulan oo ay isugu yimaadeen madax dowladda federaalka iyo kuwa xubnaha ka ah kaas oo fashil ku soo dhammaaday, taas oo sababta ugu weyn ay aheyd in madaxda dowladda federaalka ay awoodda go,aan ka gaarista arrimaha masiiriga ah ay rabeen in kaligood ay isku koobaan, taas oo ha soo horjeeda dastuurka federaalka ah iyo maba’dii’da nidaamka federaaleynta dalka, waxaa arrintaas idiin cadeynaysa dowladda federaalka iyadoo kala tashan lagana heshiin nidaamka doorashada dalka, waxaa ay diyaarisay xeer ay ugu talo galeen  in doorashada lagu galo , oo sharciyeynaya in doorashada lagu galo nidaaka axsaabta badan iyo nidaamka awood qeybsiga  4.5 oo isku dhaffan ” ayuu  hadalkiisa ku soo gab gabeeyey Madaxweynha Puntland Siciid. Cabdillaahi Deni.

Goobjoog News