U bood dhigaalka

Akhriso: Qodobbada Looga Hadley Shirka Guddiga joogtada ah Ee Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka  federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka.

Guddiga ayaa kulankooda maanta kaga dooday arrimo ay ka mid yihiin in dib loo furo kalafadhiga Golaha oo hakad galay bishii Ramadaan oo Xildhibaanada Golaha ay u baxeen cumro iyo iney gutaan waajibaadka Alle uu saaray.

Sidoo kale, guddiga joogtada ayaa ka hadlay kalafadhiga hadda lagu gudajiro agendihiisa in la dhammeystiro.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in 15 bishaan dib loo furo kulamada golaha shacabka,waxaana Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya loogu baaqay iney dalka dib ugu soo laabtaan.

Xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa xildhibaanada dalka ka maqan ugu baaqay iney si deg deg ah ku soo laabtaan ka hor 15-ka bishaan.

Goobjoog News