U bood dhigaalka

Akhriso: Qoondada Haweenka Soomaaliyeed Ee Baarlamaannada Dowlad Goboleedyada iyo Somaliland

Sheeko:Baarlamaanka

Kadib markii todobaadkan isimmada Puntland ay baarlamaanka dowlad goboleedka ku dareen hal haween ah,  Nimco Cabdi Caarshe ayaa waxaa timid su’aal ah: sidee baarlamaanka ka kooban 66 ay haweenku hal xubin uga heleen? waa sidee xuquuqda haweenka ee baarlamaannada kale?

Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa, qoondada haweenka Soomaaliyeed ee baarlamaannada dowlad goboleedyada iyo Somaliland.

Jubbaland: Baarlamaanka Jubbaland waxaa uu ka koobanyahay 75 xubin, 4 ka mid ah ayaa haween ahaa laakin mid waa dhimatay, oo badalkeeda lama keenin halka mid maamulka mucaaradeyna loo soo tarxiilay caasimadda Muqdisho, oo iminka baarlamaanka Jubblanad 2 haween ah ayaa ku hartay!!

Koonfur Galbeed: Koonfur galbeed waa meesha ugu fiican haweenka ay qoondo fiican ka heystaan, tirada guud ee baarlamaanka waa 149 xubin, 31 ayaa haween ah.

Hirshabeelle: Baarlamaanka Dowlad goboleedka Hirshabeelle tirada guud waa 95 xubin, 5 keliya ayaa haween ka ah, waxaa ilaa hadda la soo buuxin la’yahay qoondadii haweenka.

Galmudug: Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug waxaa uu ka koobanyahay 195 xildhibaan, 89 Galmudugtii hore ah iyo 106 ka socotay Ahlu-sunna, waxaa xusid mudan in Galmudugta hore ay ku jireen 8 haween ah halka Ahlu-sunna ay la yimaadeen 9 kale.

Somaliland: Haweenka Somaliland inkasta oo ay ka sheegtaan dulmi badan hadana waxaa meelaha aan waxba laga siin ka mid ah goleyaasha sharci-dejinta.

Haweenka Somaliland kuma jiraan golaha guurtida oo ka mid ah goleyaasha baarlamaanka kana kooban 82 xubin, sidoo kale golaha wakiilada oo isna ka kooban 82 waxaa ay ku leeyhiin hal xildhibaan.

Haween badan oo ay ku jirto guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Batuulo Gaballe oo la hadlay Goobjoog News ayaa dalbaday cadaalad iyo inay haweenka qeyb ka noqdaan goleyaasha sharci-dejinta iyo hey’adaha kale ee dowladda.

Goobjoog News