U bood dhigaalka

Akhriso: Sababaha Uu u Fashilmay Mooshinkii Laga Keenay Jawaari

Sheeko:Baarlamaanka

Mooshinkii laga keenay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa fashilmay kadib markii lagu guul-dareystay buuxinta tirada iyo saxiixyadii loo baahnaa ee 92 Xildhibaan.

Tirada oo markii hore lagu sheegay 107 Xildhibaan ayey 16 Xildhibaan ka noqdeen Mooshinka, sidaasina uu ku fashilmay.

Dadka mooshinka saxiixay waxaa ugu badnaa xubnaha golaha wasiirrada kuwaas oo dhammaantood saxiixay mooshin-kan la damacsanaa in lagu rido Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

“Weerarkii ee maanta xukuumadu ku sooqaaday gudoonka sare ee baarlmaanka waa fashilmay anagoo og wasiirada xildhibaanada ah ee baarlamaanka ku jiro ee qeyb weyn ka ahaayeen mooshinka ayadoo geed fadhi uu ahaa Raisalwasaare Xasan Cali kheyre” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay Xildhibaan Maxamuud Abuukaate.

Mar haddii uu fashilmay Mooshinka, kooxda soo-jeedinta wadday waa in ay sugaan 6 bil oo kale si ay u soo celiyaan.

Golaha Shacabka, Maxaa Shaqo Ah Oo Horyaalla?

Kalfadhigan 3aad oo soconaya 10-ka March-10 July 2018, waxaa ay aheyd Xildhibaannada in ay xoogga saaraan sidii loo meel-marin lahaa ilaa 9 Hindise sharciyeed oo kalfadhigii 2aad la dhameystiri waayey, kuwaas oo muhiim ah qaranka iyo muwaadinka Soomaaliyeed.

Golaha shacabka, waxaa horyaallo arrinta dastuurka oo la doonayey in la hubiyo qeybsiga Kheyraadka, qoondeynta awoodaha dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ah iyo mabaa’dida lagu maareynayo maaliyadaha, waxaa intaas dheer doorashooyinka oo muhiim tahay in la ogaado nooca doorasho, Jinsiyadda oo aan looga maarmin diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha

Golahan, Shaqada looga fadhiyo waxaa kale oo ka mid ah, hirgelinta axsaabta siyaasiga ah oo lagu saleyn-doono doorashada qof iyo cod, garsoonrka dalka, federaaleynta iyo arrimo kale oo dhammaan ah sharciyadii u sal-dhigi lahaa dowladnimada iyo dimoqoraadiyadda

Arrimmaha kale, waa ku jira Maqaamka Muqdisho oo go’aan laga gaaro sidii ay noqon laheyd: In laga dhigo deegaan federaal ah, in ay noqoto Dowlad-goboleed iyo in loo doorto Magaallo-madax ku dhex taalla dowlad-goboleed.

Goobjoog News