U bood dhigaalka

Akhriso: Sharciyada Lagu Ansixiyay Kalfadhigii 2-aad Ee Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa lasoo xiray Kalfadhigiisii labaad, waxaana intii lagu guda jiray lagu meel mariyay sharciyo dhowr ah, kuwaas oo kasoo kala gudbay wasaarado dhowr ah oo ka tirsan xukuumadda federalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo ra’isal wasaare Xamse oo golaha u gudbisay sharciyo dhowr ah.

1:Golaha shacabka ayaa Jan 14, 2023 waxaa ay kalfadhiga 2-aad  kulankiisa 10-aad ku meelmariyeen hindise sharciyeedka cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman, kaasoo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda xukuumadda federalka Soomaaliya, xilli golaha wasiirrada ay hore u ansixiyeen.

2: Golaha shacabka ayaa February  6, 2023 waxaa ay Kalfadhigii 2-aad  kulankii 16-aad ku meel mariyeen hindise sharciyeedka korontada, kaasoo xildhibaannada golaha ay sheegeen in muhiimad gaar ah u leeyahay shacabka, waxaana soo gudbisay wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka xukuumadda federalka Soomaaliya.

3: Golaha shacabka ayaa Feb 6, 2023 waxaa ay Kalfadhigii 2-aad  kulankii 16-aad sidoo kale isla maalintaas ku  meelmariyey  Hinside Sharciyeedka Hey’adda Sirdoonka Qaranka, taas oo sharci yeelatay 60-sano kadib, sharcigaan ayaa waxaa soo gudbisay wasaaradda aminiga xukuumadda federalka Soomaaliya.

4: Golaha shacabka Federalka ayaa 18-kii February 2023, waxaa ay Kalfadhigii 2-aad kulankii 20-aad ku meel mariyeen Hindise Sharciyeedka Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, kaasoo ka soo gudbay wasaaradda Duulista iyo Hawada xukuumadda federalka Soomaaliya, oo xilligaas ay soo meel mariyeen golaha Wasiirrada.

5: Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ayaa isla 18-kii February  2023, waxaa ay Fadhigii 2-aad  kulankii 20-aad ku meel mariyeen Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadda iyo Kheyraadka Dhulka Hoostiisa, kaas oo kasoo gudbay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya, oo ay goluhu soo ansixiyeen.

6: Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ayaa 1-dii March 2023, waxaa ay Kalfadhagii 2-aad kulankii 24-aad ay ku meel mariyeen hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaangelinta dadweynaha, kaasoo ka soo gudbay wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dib-u heshiisiinta oo golaha wasiirrada ay soo ansixiyeen.

7: Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ayaa 1-dii Mach 2023, waxaa ay Kalfadhigii 2-aad kulankiisii 24-aad  ku meel mariyeen Hindise Shaciyeedka Dhowrista Maalgashiga Maalgashadayaasha, kaas ay soo gudbiosay wasaaradda Qoryeynta  iyo Maalgashiga Caalamaiga ah, isaga oo horey u soo maray golaha wasiirrada.

8: Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ayaa 6, -dii Mach 2023, waxaa ay Kalfadhagii 2-aad kulankii 26-aad ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka Socdaalka, kaas ay soo gudbisay Wasaaradda Duulista iyo Hawada dowladda Federalka Soomaaliya, horeyna uga soo gudbay ansixinta golaha wasiirrada Xukuumadda Xamse Cabdi Barre.

9: Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ayaa ayaa 8, -dii Mach 2023, waxaa ay Kalfadhagii 2-aad kulankii 27-aad, waxaa ay ku meel mariyeen Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta Qaran, kaas ay soo gudbisay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federalka Soomaaliya, kaas oo ka gudbay golaha Wasiirrada.

10: Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ayaa ayaa 8, -dii Mach 2023, waxaa ay Kalfadhagii 2-aad kulankii 27-aad, waxaa ay ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Deegaanka, kaas oo kasoo gudbay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada oo hore uga soo gudbay golaha wasiirrada Soomaaliya.

11: Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ayaa waxaa ay Kalfadhagii 2-aad kulankii 27-aad, waxaa ay ku ansixiyeen Sharciga la dagaalanka Argigixisada, kaasoo ay soo gudbisay wasaaradda amniga xukuumadda Federalka Soomaaliya, isaga oo kasoo gudbay golaha wasiirrada xukuumadda Federalka Soomaaliya.

12: Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ayaa  11, -dii Mach 2023, waxaa ay Kalfadhagii 2-aad kulankii 28-aad ku meel mariyeen Guddiga Madaxbannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka, xubnahaan ayaa hore waxaa usoo magacaabay guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federlka  Soomaaliya.

13: Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ayaa  11, -dii Mach 2023, waxaa ay Kalfadhagii 2-aad kulankii 28-aad ku meel mariyeen Hindise Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed, kaas oo ay soo gudbisay wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda, oo hore usoo maray xukuumada.

Sharciyadaan waxaa inta badan soo wada ansixiyay  labada Aqalka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kaasoo loo gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo saxiixay  Sharciyada kala ah:  Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka Qaranka , Hindise Sharciyeedka Koroontada Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Hindise Sharciyeedka Cunaqabataynta maaliyadeed ee Cayiman, Sharciyada qaar ayaa wali ku maqan golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federalka oo aan gudbin.

Goobjoog News