U bood dhigaalka

Akhriso: Sida Loogu Kala Guuleystay Doorashadii Golaha Deegaanka Cadaado

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa goordhow degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud kusoo idlaatay doorashada 12 xubnood ee  kamid noqonaya golaha deegaanka degmada, taas oo doorashadeeda saakay bulshada degmadu ay u dhaqaaqeen, 12 kursi ayaa waxaa ku tartamayay 24 musharrax, waxaana loo baahnaa in 12 xubnood ay soo baxaan oo xildhibananada golaha deegaanka ah.

Degmada Cadaado ayaa noqotay degadii ugu horeysay oo shacabku ay saf u galaan in ay soo doortaan dadkii u adeegi lahaa tani waxaa ay muujinaysaa sida bulshadu ugu bisishahay in loo guuro doorashada qof iyo cod lagana guuro nidaamka wax qeybsiga, madaxda sare ee maamulka Galmudug ayaa soo dhoweeyay tallaabadaan maanta ka dhacday magaalada Cadaado.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Galmudug ayaa bilowday hannaankaan degmooyinka maamulka loogu sameynayo gole deegaan oo dadku ay soo doortaan, Gaalkacyo sanadkii hore maamulka ayaa ku guuleystay in loo dhiso gole deegaan, walow ay ergo dooratay oo shacbka aysan dooran doorashadii lagu soo dhisay golaha deegaanka degmadaasi.

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa bogaadiyay doorashada Golaha Deegaanka ee ka soconaysa degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, isagoona u rajeeyay in ay dhawaan si habsami leh kusoo dhamaato, isagoo sidoo kale ku dhiirogaliyay degmooyinka kale ee isku diyaarinaya doorashada Golaha Deegaanka.
                                           Hadaba  Halkaan ka akhriso liiska Magacyada Soobaxay

1:Xildhibaan Nuur Yarow Xayle, waxaana kursiga kula tartamay musharrax Nuur Shariif Maxamed Cali.

2: Xildhibaan Saydcali Daahir Maxamuud, waxaana kursiga kula loolamay musharrax Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

3: Xildhibaan Faarax Diiriye Warsame, waxaa kula tartamay kursiga musharrax Sayid Cali Cumar Xirsi.

4: Xildhibaan Jibriil Cumar Jimcaale, waxaa kursiga kula tartamay musharrax Liibaan Cabdi Axmed.

5:Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdullaahi Diiwaan, waxaa kursiga kula tartamay  musharrax Maxamuud Ibraahim Cumar.

6: Xildhibaan Axmed Cali Raage, waxaa kursiga kula tartamay musharrax Saadaq Salaad Dhoore.

7:Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Cali, waxaa kursiga kula loolamay musharrax  Xasan Axmed Cismaan.

8:Xildhibaan Canab Cabdi Maxamuud, waxaa kursiga kula tartantay musharrax Faaduma Daahir Kulan

9:Xildhibaan Xasan Jaamac Yuusuf, waxaa kursiga kula tartamay musharrax ismaan Maxamed Axmed.

10:Xildhibaan Cabdinuur Cabdullaahi Cali, waxaa kula tartamay musharrax Cilmi Kulane Xaaji.

11:Xildhibaan Salaad Cabdi Cali, waxaa kursiga kula loolamay musharrax Salaad Axmed Yuusuf.

12:Xildhibaan Maxamuud Maxamed Wardheere, waxaa la tartamay musharrax Cabdi Maxamed Samatar.

Degmada ayaa waxaa sidoo kale lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada 11 xubnood oo kale, kuwaas oo wadarta guud ee golaha deegaanka ka dhigaya 23 xubnood, waxaana lagu wadaa in doorashada xildhibaannada golaha deegaanka kadib la doorto guddoomiyaha degmada Cadaado iyo ku-xigeenkiisa oo noqonaya kuwii ugu horeeyay degmada laga doorto.

Goobjoog News