U bood dhigaalka

Akhriso: Sida Loogu Kala Guuleystay Kuraastii Garowe iyo Dhuusamareeb Lagu Doortay

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalooyinka  Garowe iyo Dhuusamareeb ee caasimadaha  dowlad goboleedyada  Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa manta lagu qabtay doorashada kuraas  oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuryadda federalka ah ee Soomaalya.

1 kursiga tirsigiisu yahay Hop# 128  oo lagu doortay Garowe ayaa waxaa kusoo baxay Musharrax Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Axmed Xeyle, waxaana kursigaas ku soo baxay, waxaana uu ku guulaystay codad gaaraya 98 cod, halka Maxamed Faarax oo la tartamay uu helay 3 cod, majirin cod halaabay ama Ergay ka aamusay.

2 Kursiga tirsigiisu yahay Hop#223 oo lagu doortay Garoweayaa waxaa kusoo baxay wasiiru dowlaha maaliyadda maamulka Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani, waxaana uu soo baxay codad gaara 93 cod, halka siciid Maxamed Warsame oo la tartamay uu helay 3 cod sida guddiga uu shaaciyey waxaana halaabay 2 cod.

3 Kursiga tirs yahay Hop#232 oo lagu doortay Garowe ayaa waxaa ku soo baxay wasiir dowlaha shaqada iyo shaqaalaha maamulka Puntland Fardowsa Ciismaan Cigaal, waxaana ay ku guulaysatay codad gaaraya 97 cod, halka Siciido Faarax Warsame ay heshay 3 cod.

4Kursiga tirsigiisu yahay Hop#144 oo lagu doortay Garowe  ayaa waxaa kusoo baxay wasiirka qorsheynta Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange, waxaana uu helay 83, halka musaharraxii la tartamay Caasho Axmed Maxamed ay heshay 13 cod, waxaana halaabay 4 cod.

Dhanka kale magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galamudug manta lagu doortay sedex  kursi oo kamid ah Baarlamaanka 11-aad ee jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaiya.

1 Kursiga tirsigiisu yahay Hop248 oo lagu doortay Dhuusamareeb  ayaa waxaa kusoo baxay General Saadaq Cumar Xasan, waxaana uu helay codadkii  la tiriyey 81 cod, musharraxii la tartamayey Cabdullahi Xirsi Diirshe uu helay17 cod, waxaana halaabay 2 cod.

2 Kursiga tirsigiisu yahya Hop#064 oo lagu doortay Dhuusamareeb  ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib), waxaana uu halay codad dhan 98 cod, musharraxii la tartamay Cabdullaahi Afrax uu helay 2 cod sida ay shaaciyeen guddiga doorashada.

3 Kursiga tirsigiisu yahay Hop#096 oo lagu doortay Dhuusamareeb  ayaa waxaa ku guulaysatay musharrax xildhibaan  oo codad gacan tag ah ugu soo baxday 96 cod, kadib markii Qaali Amed Diiriye ay u tanaasushay, waxa diiday 4 ruux, halka qofna uu ka aamusay.

Kuraasta maanta lagu kala doortay magaalooyinka Garowe iyo Dhuusamareeb ayaa waxaa ay kamid noqonayaa Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya oo dooasghadiisu ka socoto maamuladda dalka ka jira iyo caasimadda Muqdisho, waxaana lasoo gabagabeyn doonaa 25 bisha soo aadan oo ku eg 45-kii cisho ee loo qabtay.

Goobjoog News