U bood dhigaalka

Akhriso: Sida Xildhibaannada Golaha Shacabka Ay Uga Hadleen Xaaladda Amniga

Sheeko:Baarlamaanka

Kulanka 2aad, kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka ayaa maanta ka dhacay xarunta golaha waxaa soo xaadiray 168 xildhibaan, waxaa looga hadlayaa amniga.

Doodda oo aad u kululeyd, waxaan halkan idiinku soo gudbin-doonnaa qaar ka tirsan khudbadihii ay Xildhibaannada goobta ka jeediyeen.

Xildhibaan Maxamed Ganey oo ka hadlayey kulanka amniga ee golaha shacabka waxaa uu yiri “fadlan ra’isul wasaare  is casil waad fashilantay” Xildhibaanka waxaa uu intaasi raaciyey “Shaqada dowladu waxa uu ku soo aruuray facebook iyo Twiter”.

Xildhibaan Maxamed Ganey waxaa uu intaasi ku daray “Dalka Al-shabaab ayaa maamusha, waxaana sabab u ah iyagaa dadka canshuur ka qaada, xitaa dhinaca garsoorka iyagaa loogu adaa Tooratoorow”.

Xildhibaan Caasho Koos oo hadashay waxaa erayadeeda ka mid ahaa “Kalsooni kuma qabno ciidamada dowlada ee wadooyinka jooga, Qaarkood iyagaan ka baqnaa.”

Xildhibaan Warsame Joodax: Waxaa muhiim ah in la xisaabtan dhamaystiran aan la samayno dhinacyada amaanka ku howlan.

Xildhibaan Maxamed Isaaq Afaraalle: Dowladu halkii ay weerar ku ahaan lahayd Al-shabaab iyagaa weerar nagu ah, saxna ma ahan

Habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi xasan nuux  waxaa uu sheegay in xoojinta amniga golaha shacabka dartiis lagu soo kordhiyay amniga eeyaha waxbaara

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla: Arrin la aqbali karo maahan in eeyo gaawaarideena baaran, eyna la maciin bido, sax ma ahan.

Xildhibaan Cismaan Xaaji: Dowladu jidkay ku carartaa markay Afgooye aadeyso waydana kusoo carartaa, Magaalada amnigeeda waa sii xumaaday waxaana cadayn u ah iydoo la si dilaayo ayaa flim la iska duubayaa, Wadooyinka Muqdisho jid Cadde furan ma jiro xaaladaasna waqti badan ayaan ku jirnay inaan ku sii jirnaana sax maahan.

Xildhibaan Cismaan Xaaji: in qof 2012kii ciidanka soo galay maanta Genaraal lagu dhigo ayaan maraynaa

Xildhibaan Faadumo Odowaa:  Waa inaan shacabkeena ku wacyi gelinaa wax ka qabashada amniga ilaa aan ka gaarsiinayno in ilmaha yari wax kastaa soo sheegaan xitaa cida geriskooda ku soo biirtay.

Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi: Amnigu faraha ayuu ka baxay waxa uu marayaa heer shabaabku dadka baadaan,  Ra’isul wasaaraha amnigu uu sheegayo ma ahan amnigii saxda ahaa ee dalku u baahnaa,  isagu geesaha ayuu iska marinayaa wiilal looo geliyay dhar isu eg.  Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay in laba sano gudohood uu ku soo afjari doono shabaab hadana waxaa ka dhiman 4 bilood ama wax ku dhow hadana halkaas ayaan maraynaaa

Mudane Fiqi waxaa uu intaas ku daray  “Alshabaab magaalada ayay soo buux dhaafiyeen magaalada,  sababtaasna waxaa waaye hal sano Al-lshabaab dagaal laguma qaadin. Waxaa dhacday labo kun oo askari in laga qaaday dalkaa aanan laba ogeyn waxa laga dhigayo, danta laga leeyahay ma Alqaa’idaa laga dhigaa ma Daacish garan mayno. Waxaa layaab leh in nin taliye ah hal maalin shaqadii laga eryay  darajadiina laga baabi’ iyay, dalkana kama bixi kartid la yiraahdo,  mudana dalkaan ka soo shaqeeyay, Kuwo yaryarna garaado aysan mudnayn la siiyay

Xildhibaan Shiikh Aadan Madoobe: Shacabku markay ku hun-goobeen rajadii dawlada ay ka qabeen, Al-shabaabkiina sii xoogeystay ayey bilaabeen shacbku inay Shabaab iska laaluushaan.

Xildhibaan Maryan Macalin:  Xildhibaano dhamaanteen aan dagaalka galno,  yaanaan iska fafadhininin oo qoryaha qaadano, Xaalada ammaankana cidna laguma eedeyn kato, Waa masuuliyan ina wada saaran.

Xildhibaan Baqdaadi: Goluhu  wuxuu ku haboonaa in irdaha loo xiro,  waayo hada hadallada iyo dhaliilaha la sheegayo, Cidkastaa ayaa ka faa iideysan karta, waana laga fiicnaa.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise:  Amniga gudaha iyo kan dibadda khatarbaa ka jirta, isaga oo intaas ku daray Dalkaan waxaa ka jira cadaalad darro wayn iyo musuqmaasuq ballaaran, anigan oo xildhibaanka ah ayaa dhulkaygii la iigu haystaa oo sharciyo been la iisoo samaystay, Dadkuna iney shabaab u garsoor tagaan waa cadaalad darrada jirta iyo musuqa.

Goobjoog News