Akhriso: Taariikhda Agaasimaha Villa Somalia: Dr. Aamina Saciid Cali

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta waxaa uu agaasimaha madaxtooyda Villa Somalia u magacaabay Dr. Aamina Saciid Cali.
Marwo Aamina waa haweeneydii ugu horeysay ee jagadaasi qabata, iyada oo sidoo kale June sanadkii hore noqotay haweeneydii ugu horeysay ee loo magacaabo agaasime ku-xigeenka Villa Somalia.
Dr. Amina Saciid waxaa waalid iyo bar-baariye u ahaa Mudane Cabdullahi Ciise Maxamud, waxaa ay muddo dheer ku nooleed dalka Sweden halkaas oo ay ka baratay Science-ka “The Karolinska Institute” ee dalkaasi.
Jaamacadda heerka koowaad iyo Masterkaba waxaa ay ka qaadatay isla Machadkaas, Muddo 18 sano ah waxaa ay “The Karolinska Institute” ka aheyd cilmi baare, qeybta genetics, Bio Bank, Masterkeeda sidoo kale waa caafimaadka gaar ahaan Toxicology.
Agaasimaha cusub ee Villa Somalia Dr. Aamina waxaa ay 2009-2012-kii aheyd Xildhibaan ka tirsan dowladii KMG aheyd ee madaxweyne Sheekh Sharif Sheekh Axmed.
Dr. Amina Cali sidoo kale waa qoraa, oo waxaa ay leedahay labo buug:
- Qoriga u garwaaxshay isagoon sagaalki gelin. Suugaan….2005
- Xamar Cadey, Waan Xisbeelaa Xasuuqa Yaal….2009-kii
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Hadda waxaa uu Marwo Aamin Saciid u magacaabay agaasimaha Villa Somalia.
Goobjoog News