U bood dhigaalka

Akhriso: Tobankan Buug Bisha November 2019

Sheeko:War

“Haddii wax akhrintu tahay cuntada maskaxda, akhriso buuggaagta.” Marka aan jaamacadda joogo, weertaas waxaan u isticmaalaa in aan ku dhiirrigeliyo ardaydayda jecel akhrinta buugta si ay u sameeyaan horumar dhanka aqoonta ah. Si la mida, bahda akhriska jecel, iyagana waxaan kula talinayaa in bishan Nofembar ay liiska buug akhrintooda ay ku darsadaan tobankan buug:

  1. BECOMING by Michelle Obama

Waa buug ka sheekeynaya taariikh nololeedka Michelle; yaraanteedii iyo dhallinyarannimadeedii. Waa buug ay ku kaydisay xusuusteeda jacayl. Waxaa aad ii soojiitay cutubka siddeedaad oo ku saabsan isbarashada Obama iyo Michelle. Mar waa iyada oo jaamacadlay ah; marna waa iyada oo saaxiibkeed Obama “mentor” u ah.

  1. PRIDE AND PREJUDICE by Jane Austen
    Buuggan waxaan ku xusuustaa in uu ka mid yahay buuggaagta ugu caansan ee suugaanta Ingiriiska. Waa buug ku saabsan jacayl, waxaan aad uga helay hadalka furfurashada Jane Austen, “waxaa dhab ah dumarkoo idilna isku raacsan yahay in ninka dhallinyarada ah ee bishii hela mushahar fiican in uu u baahan yahay guur/xaas.”
  2. MEET CUTE by Helena Hunting

Waa buug ka sheekeynaya jacayl ku bilowday ardaynnimo, dabadeed ku dhammaaday khiyaano. Kailyn iyo Daxon si lamafilaan ah ayay isku bartayn. Isku fasal ayay ahaayeen. Ka gadaal waxaa dhex maray jacayl markii dambe beenowbay.

  1. NORTH OF DAWN by Nuruddin Farah

North of Dawn waa buug xiiso badan. Wuxuu dhigayaa sheeko naxdin leh oo isugu jirta jacayl, daacadnimo iyo tallan haybeed qaran.

  1. I AM MALALA by Malala Yousafzai, Christina Lamb

Waxaa ku qoran taariikh nololeedkeeda, Malala Yousafzai. Iyo safarkeedii dheeraa-ka soo bilow Pakistan ilaa Ingiriiska. Waa buug qoraya halganka nolosha, waxbarasho, diin iyo argagax. Waa sheeko dhab ah.

  1. SIRTA GUUSHA by Xasan Mudane

Waa buug ka sheekeynaya guul iyo guuldarro. Wuxuu sahminaya macnaha dhabta ah ee guusha. Waa buug ay ku kaydsan yihiin sheekooyiin macquul ah, oo ku saabsan taariikh nololeedka shakhsiyaad ka guul gaaray ganacsi.

  1. WHY NATIONS FAIL by Daron Acemogle iyo James A Robinson

Waa buug cajiib ah! Wuxuu sahminaya sababta keentay in dalalku fashilmaan. Waa buug soo bandhigaya doodda ah, in bini’aadamku u baahan yahay hay’ado xoog badan oo ku dhiirriggeliya waxsoosaarkooda dhaqaale.

  1. INTRODUCTION TO AFRICAN POLITICS by Alex Thomson

Buuggan innaba caadi ma aha! Wuxuu ku dulwareeganayaa saddex fekradood oo lafdhabar u ah fahamka siyaasadda Afrika, waxayna kala yihiin: Dowladnimo, ururada rayidka iyo farogelinta shisheeyaha. Waa buug ka hadlaya mowduucyada hay’adaha dowliga, eesha gumeysiga, dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo-doonka, dowrka ururada rayidka, gumeysiga ka dib afgambiyadii militari, fekerka Maaksiisimka iwm.

  1. THE TREASON OF THE INTELLECTUALS by Julien Benda

Waa buug ka sheekeynaya khiyaanada indheergaradka uu ka galo bushadiisa. Waa kuma indheergarad? Marka la eego Benda, indheergaradku waa qofka runta ku gabya, garabna u noqda dhibbanaha ama kooxda dulman. Waa buug cajiib ah! Oo wax iska weyddiinaya dowrka indheergaradka, waajibaadka saaran iwm.

  1. IDENTITY by Francis Fukuyama

Waa buuggii ugu dambeeyay ee uu qoray. Wuxuu diiradda ku saaray hab dhaqanka bini’aadamka iyo waxa dhiirrigeliya marka la joogo siyaasadda. Waa buug sharxaya fashilka fekerka libaraalka iyo dimuqoraaddiga, ee ku aaddan haqabtirka baahida bini’aadamka.

WQ: Hassan Mudane, Bare Jaamacadeed