U bood dhigaalka

Akhriso: War-murtiyeedka Shirweynaha Waxbarashada Qaranka

Sheeko:Waxbarashada

Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gabagabeeyay Shirweynaha Waxbarashada Qaranka, kaas oo muddo Shan maalin ah ka socday caasimadda dalka, shirkaan ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarasha Hidaha iyo Tacliinta sare, waxaana ka qeyb galay Qurabarro kale duwan ee dhanka Waxbarashada iyo marti-shafar kale.

Shirka ayaa muddadii uu socday waxaa looga hadlay dhowr qodob oo ku saabsan sidii loo jiheyn lahaa oo meel sare loo gaarsiin laha Waxbarashada dalka, iyadoo gabagadii laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 19 qodob kuwaas oo dhammaantood si qoto dheer looga hadalay, dood adagna looga yeeshay muddadii shirka lagu jiray.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir oo hadalay xilligii gunaanadka Shirweynaha ayaa sheegay inuu ballan qaado fulinta qodobadii kasoo baxay Shirweynaha oo lagu gorfeeyay muddadii lagu jiray iyadoo la sheegay caqabadaha jira iyo sida loo xalin karo mashaakilaadkaas.

No photo description available.No photo description available.May be an image of textNo photo description available.No photo description available.May be an image of textNo photo description available.May be an image of textGoobjoog News