U bood dhigaalka

Akhriso: Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Kenya oo Musharraxiintu Isku Dhowyihiin

Sheeko:Caalamka

Guddiga doorashooyinka madaxbannaan ee dalka Kenya ayaa weli wada tirinta codadka doorashada madaxweynaha, ku dhawaad kala bar codadkii la dhiibtay ee doorashadii dhacday  ayaa la tiriyay, labada musharrax ee ugu cad cad doorashada ayaa si aad isug dhaw marka la eego natiijada la helayo ilaa iyo hadda.

Madaxweyne ku xigeenka dalka ninka lagu magacaabo William Ruto ayaa wax yar ka horreeyaa Ra’iisul Wasaarihii hore Raila Odinga-waxay kala wataan natiijada horudhaca ah -51% iyo 48%, taas oo muujinaysa in aad la isugu dhow yahay labada dhinac, waxaana la sheegayaa in howlaha tirintu gaabis u socoto.

Taageerayaasha Mr Odinga ayaa dhowr jeer carqaladeeyay hanaanka xaqiijinta natiijada, waxay qaar kamid ah saraakiisha guddiga doorashada ku eedeeyeen inay faragelin ku sameeyeen codbixinta” “Waxaan doonayaa in halkan aan ka shaaciyo in xarunta tirinta codadka ee Bomas ay noqotay xarun dambiyeed” ayuu yiri Saitabao Ole Kanchory.

Bomas  waa xarunta dhaqanka ee ku taal caasimadda Nairobi, taasoo ah goobta ugu weyn ee lagu tiriyo codadka doorashada Kenya ayaa waxaa xalay la geeyay ciidamada ka hortagga rabshadaha, maadaama laga cabsi qabo inuu yimaado isku dhac sidii horey u dhacday dhowr jeer oo lagu murmay doorashada dalkaas.

Hoggaamiyeyaasha dalka iyo kuwa diimaha ayaa ugu baaqay shacabka inay dulqaad muujiyaan isla markaana ugu baaqay musharraxiinta ugu cad cad doorashada inay is xakameeyaan oo ay ilaaliyaan mas’uuliyadda saaran.Waxaa haatan si rasmi ah loo xaqiijiyay 141 kamid ah codadka laga dhiibtay 292 deegaan baarlamaaneed.

Waxaa lagu wadaa in guddiga doorashdu ku dhawaaqaan natiijada saxda ah ee madaxweynaha dalka Kenya, kaas oo ay ku tartamayaan Madaxweyne ku xigeenka dalka ninka lagu magacaabo William Ruto ayaa wax yar ka horreeyaa Ra’iisul Wasaarihii hore Raila Odinga-waxay kala wataan natiijada horudhaca ah -51% iyo 48%.

Goobjoog News