U bood dhigaalka

Akhriso: Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Turkiga Maxaa Kasoo Kordhay?

Sheeko:Caalamka

Doorashada Turkiga waxaa wali socota tirinta codadka sida uu sheegay guddiga doorashada, hoggmiyeyaasha u tartamaya madaxweynaha ayaa iska ag dhow ilaa iyo hadda codadka la tiriyay, madaxweyne Erdogan ayaa codad gaaraya 5% kaga horeeya hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuiga ninka lagu magacaabo Kemal Kılıçdaroğlu.

Guddoomiyaha Guddigga sare ee doorashada Turkey Axmed Yener ayaa shaaciyay tiradii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynenimada ee Turkey, waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda aan la furin 27 sanduuq oo ay codod ku jiraan, kuwaas ayaa waxaa la tilmaamayaa in ay yihiin kuwa dhinacyadu ay ku kala hari doonaan.

Madaxweyne Erdogan oo ka sharaxan xisbiga AK Partty ayaa heysta 49.40%, halka Kemal Kılıçdaroğlu oo ka sharaxan Jamhuuriga ilaa iyo hadda uu helay codad gaarayo 44.96%. Sideed kun iyo shan iyo lixdan sanduuqa oo keliya ayaa laga furay sanduuqyada codeynta ee qurbajoogta, waxaana guuleystaha laga rabaa tirada guud 51%.

Doorashada Madaxweyne Erdogan uu galayo ayaa sanadkaan ayaa ah mid shacabka Turkiga ay ku tilmaameen tii qarniga, marka laga anbo qaado in dalka Turkiga laga qaadayo ganaaxii la saaray, kadib markii ay dhacday 1923 Boqtooyadii Cusmaaniyiinta oo ay dhisantay Jamhuuriyadda Turkiga oo dhisay Mustafa Kemal Atatürk.

Goobjoog News