U bood dhigaalka

Akhriso: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Ruushka iyo Ukraine

Sheeko:Caalamka

Waxaa maalintii 14-aad galay duulaanka uu ruushka ku qaaday dhigiisa dalka ay oodawadaagga yihiin ee Ukraine, xilli xukuumadda Moscow ay dhaqdhaqaaqyo hor leh ka waddo magaalooyinka Kyiv hoostaga.

Xisbiga haayo talada dalka Ukraine ayaa soo jeediyay in dowladda ay heshiis amni ay la saxiixato dalalka Mareykanka, Turkiga, iyo Ruushka.

Aqlabiyadda xisbiga ayaa isku raacay in la saxiixo heshiiskaan si xaaladda nabad loogu soo dabaalo, kadib muddo laba todobaad ah oo dagaal uu ka socdo dalka Ukraine.

Wasiirada arrimaha dibadda  Imaaraadka carabta iyo Maraykanka heikh Abdullah bin Zayed al-Nahyan iyo Blinken oo qadka taleefanka kuwada hadlay ayaa dhankooda sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo xiriirkooda Ukraine ay laleeyihiin xaaladdana la qaboojiyo.

UK ayaa sheegtay in difaaca cirka ee Ukraine uu guulo la taaban karo ka gaaray diyaaradaha Ruushka, xilli weli ay ciidamada Kyiv ay wadaan iska caabinta ka dhanka ah Moscow.

“Difaacyada hawada Ukraine waxay u muuqdaan inay ku gaareen guulo la taaban karo oo ka dhan ah diyaaradaha dagaalka casriga ah ee Ruushka,” ayaa lagu yiri warbixinta sirdoonka ee Wasaaradda Difaaca ka soo baxday.

Shirkadda Dassault Systemes oo bixisa adeegyada dhanka software-ka ayaa sheegtay in ay joojisay adeegyadii ay gaarsiin jirtay ruushka, taas oo qayb ka ah cunaqabataynta lagu soo rogayo Putin.

“Waxaan u taagannahay wadajirka dadka reer Ukraine,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay shirkaddaan oo laga leeyahay Faransiiska.

UK ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in hawadeeda ay ka mamnuucday diyaaradaha ruushka laga leeyahya iyo kuwa dalkaas u socdaalaya.

Wasiirka arrimaha dibadda ruushka Lavrov ayaa u safray dalka Turkiga halkaas oo maalmaha soo socda uu kulan kula qaadan doono dhiigiisa Ukraine iyo Turkiga.

Dhinaca kale dagaalka ayaa sii xoogaysanaya isagoo weli ka socda tuulooyinka hoostaga Kyiv iyo magaalooyinka la go’doomiyay.

Kyiv ayaa hadda lagu soo rogay digniino dhanka hawada ah xilli cabsi weli laga qabo diyaaradaha dagaalka ee Ruushka in duqaymaha ay sii laba jibaaraan.

Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ugu yaraan 474 qof oo rayid ah lagu dilay Ukraine tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushka.

“Inta badan khasaaraha rayidka ah ee la diiwaan geliyey waxaa sababay adeegsiga hubka qarxa oo saameyn ballaaran leh, oo ay ku jiraan madaafiicda culus iyo hubabka gantaallada riddada dheer iyo duqeynta cirka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo  baxay Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay.

Magaalada Kharkiv ugu yaraan 27 qof ayaa lagu dilay shalay gelinkii dambe sida ay xaqiijiyeen illa dahsoon oo u hadlay dowladda Ukraine.

Goobjoog News