U bood dhigaalka

Akhriso: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Ruushka iyo Ukraine

Sheeko:Caalamka

Waxaa maalintii 13-aad galay duulaanka uu ruushka ku qaaday dhigiisa dalka ay oodawadaagga yihiin ee Ukraine, xilli xukuumadda Moscow ay dhaqdhaqaaqyo hor leh ka waddo magaalooyinka Kyiv hoostaga.

Waxaa inta badan wadamada reer galbeedka ay xoojiyeen cunaqabateynada dhinac walba ah oo ay saarayaan Putin iyo saaxiibadiisa dagaalka.

Madaxweynaha maraykanka Joe Biden ayaa dhankiisa qoraal uu soo saaray madaxweynaha kuuriyada koonfureed kaga mahad celiyay in uu ku soo biiray cunaqabataynta ruushka la saaray.

Dhinaciisa Ruushka ayaa ku goodiyay in uu joojinayo qulqulka gaaska ee dalkiisa uu siiyo dalalka kale ee qaaradda Yurub, taas oo uu kaga jawaabayo cunaqabataynta dalkiisa lagu soo rogay.

Moscow ayaa bixisa 40% gaaska qaaradda Yurub, taas oo haddii ay joojiso sii adkeyn doonta xaaladda dagaalka mudada labada todobaad ah socda.

“Waxaan xaq u leenahay inaan qaadano go’aan u dhigma oo aan ku soo rogno cunaqabatayn gaaska lagu shubayo dhuumaha gaaska ee Nord Stream 1,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Ruushka Alexander Novak.

Dhinaca kale dad fara badan oo ka soo barakacay magaalooyinka dagaalka uu sida xooggan uga socdo ee Ukraine ayaa waxaa ay gaareen magaalada Lviv.

Duqa magaalada Lviv ayaa sheegay in maamulkiisa ay ku adkaatay quudinta iyo u gurmashada dadka dhibaatada dagaalka ka soo cararay.

In ka badan 200,000 oo dad ah oo ka barakacay guryahoodii ayaa hadda ku sugan Lviv, kuwaas oo la isugu geeyay hoolalka ciyaaraha, iskuullada, isbitaallada iyo dhismayaasha kaniisadaha. Magaalada taariikhiga ah ee Lviv, taas oo caan ku ahayd dalxiiska.

Jarmalka ayaa dhankiisa khamiista soo socota marti gelin doona shirka wasiirada cunada ee G7, waxaana lagu wadaa in shirka looga hadlo saamaynta dagaalka uu ku leeyahay cunada adduunka.

Shirkadaha Estee Lauder Inc ayaa sheegay inay go’aansadeen inay joojiyaan dhammaan dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee Ruushka, oo ay ku jiraan inay xidhaan dhammaan bakhaarradooda dalkaas ku yaalla.

Xukuumadda Kyiv ayaa dhankeeda sheegtay in ay dishay general-kii labaad ee ruush ah, kaas oo lagu qaarajiyay meel u dhaw magaalada la go’doomiyay ee Kharkiv sida ay sheegeen sirdoonka Ukraine.

Major General Vitaly Gerasimov, oo ahaa taliye ku xigeenka koowaad ee ciidamada 41-aad ee Ruushka ayaa la xaqiijiyay geeridiisa saacado kadib markii lagu dilay dagaalka.

Ukraine ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay dileen in ka badan 11,000 oo askari oo Ruush ah, halka  Ruushka uu dhankiisa sheegtay in laga dilay 500 oo askari.

labada dhinac ayaan illa hadda aysan jirin mid si rasmi ah u soo gudbinaya khasaaraha dagaalk ka soo gaaray labadii todobaad ee uu socday.

Dowladda Japan ayaa dhankeeda xayiraad ku soo rogtay hantida dad ruushiyaan ah iyo kuwa u dhashay belarusia, kuwaas oo dalkeeda hanti u taallay.

Goobjoog News