Akhriso: Wax Walba Oo Ku Saabsan Cudurka Dabeysha

Cudurka dabeysha waa cudur uu sababo Virus, waxa uuna keeni karaa qofka inuu noqdo naafo, waxa uuna ku badan yahay da’da caruurta sidoo kale cudurkani ayaa ah cudurada la kala qaado.

Waa Maxay calaamadaha lagu garto cudurkani?

Cudurkani 99% wax calaamad ah malahan, waxa loo yaqaanno dabeysha ama Polyada kiisaska waxa uu ka yahay 1%, calaamadaha cudurkani 99% qofka waxa ay soo maraan iyaga oo aan la heyn calaamado lagu garto oo uusan dareemeynin qofka.

Waxaa jira mararka qaar calaamado yar oo lagu garto sida cunto cunista qofka oo yaraato iyo lalabo, kuwaas oo ah calaamadaha ugu yar oo lagu garan karo cudurkani dabeysha.

Maxaa sababa Cudurka Dabeysha?

Cudurkani waxaa sababa Virus loo yaqaanno Polio Virus, kaasi oo ah mid la kala qaado waxaana lagu kala qaadaa in Virus-ka uu qofku laqo, waxa uuna ku laqi karaa habab badan sida, qof ayaa saxaroonaya isaga oo si fiican aan is kaga dhaqin gacantii ayuu afka gashan karaa sidaas ayuuna ku yimaaddaa cudurkani.

Cudurkani maxay ayuu xiriir la leeyahay?

Waxa uu xiriir la leeyahay nadaafad-darrida oo ay ka mid tahay saxarada oo aan aad la is kaga fogeynin sida in aan musqulaha aan lagu saxaroonin oo banaanka lagu saxaroodo iyo in gacmaha aan lagu dhaqin saabuun saxarada ka dib wax yaabahaas oo idil waxa ay ka mid yihiin siyaabaha keenaya in cudurkani la isku gudbiyo.

Side looga hortagi karaa cudurkani?

Waxaa jirta labo qodob oo asaasi ah oo looga hortagi karo cudurkani kuwaas oo kala ah talaalka iyo nadaafadda oo aad loogu dadaalo waxa ayna yareyn karaan halisaha uu leeyahay cudurkani.

Cudurkani bulshada qeybahee ayuu ku badan yahay?

Cudurkani waxaa uu ku badanyahay caruurta shanta sano ka yar sababtoo ah difaaca jirkooda ayaa aad u yar waxaana aad ugu nugul ilmaha yar.

Cudurkani daawo ma leeyahay?

Cudurkani wax dawo ah malahan kaliya waxa uu leeyahay ka hor tag, waxaana looga hortagi karaa talaalka iyo nadaafadda oo lagu dadaalo.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

  1. Maurizio Sarri’s agent has denied the Napoli manager has received an offer from Chelsea or any other club with his future still up in the air. He has a £7m release clause in his contract. ‘We haven’t received any offers from Chelsea, Tottenham, Milan or Zenit’: Maurizio Sarri’s agent says Napoli boss isn’t going anywhere unless someone pays his £7m release clause

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW