U bood dhigaalka

Akhriso: Xildhibaannada Kusoo Baxay Doorashadii Baydhabo

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomalaiya ayaa maanta  waxaa lagu soo doortay lix kursi, kuwaas oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuryadda federalka ah ee Soomalaiya.

1:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#230 ayaa waxaa kusoo baxay  xildhibaan Jaamac Taqal Cabaas, kaas 77 cod uga adkaaday  musharrax  Cabdi Cali Cumar, kaas oo 23 cod ka helay codadkii la dhiibtay majirin cod halaabay sida guddigu uu sheegay.

May be an image of 4 people and people sitting

2:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#253 :ayaa waxaa ku soo baxay xildhibaan Aadan Maxamed Cali, kaas 70 cod kaga adkaaday musharrax Cabduqaadir Ibraahim Buule oo ka helay 21 cod guud ahaan codadkii Ergadu ay dhiibatay majirin cod halaabay.

May be an image of 3 people, people sitting and suit

3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#275:  ayaa waxaa ku soo baxay xildhibaan  Ismaciil Iidow Maxamed, kaas 71 cod kaga guulaystay  musharrax Cabdisitaar Xasan Cali uu helay 16 cod ka helay codadkii la dheebtay , waxaa halaabay 3 cod.

May be an image of 5 people, people sitting and indoor

4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#183: ayaa  waxaa ku soo baxay xildhibaan Muqtaar Maxamed Guuleed, kaas  83 kaga guulaystay  musharrax Xuseen Cali Aadan oo ka helay 16-cod  guud ahaan codadkii la dhiibtay ,waxaa halaabay1cod.

May be an image of 3 people, people sitting and suit

5:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#050: ayaa waxaa ku soo baxay xildhibaan Axmed Shekh Maxamed (Mashruuc) , kaas  80 cod kaga guulaystay  halka musharax Maxamed Ibraahim Aadan 14-cod ka helay codadkii guud ee Ergada, waxaa halaabay3 cod.

May be an image of 3 people

6:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#178:  ayaa ku soo baxay xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Cali, kaas 70 cod kaga adkaaday musharax  Bile Xasan  25 cod ka helay guud ahaan codadkii la dhiibtay manajirin cod halaabay oo kamid 90 Ergo oo joogtay.

May be an image of 4 people and people standing

Goobjoog News