U bood dhigaalka

Akhriso: Xubnaha Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ee BFS oo La Magacaabay

Sheeko:Baarlamaanka

Aqalka sare ee baarlmaanka federaalka oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa doortay guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo iskugu yimid kalfadhiggii koowaad kulankiisii 3-aad ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha ku meel gaarka ah Maxamed Xuseen Raage, waxaana ka soo qeybgalay xubno gaaray illaa 44 xubnood, kulanka ayaa waxaa horyaallay  ajande ah xulista xubnaha guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka aqalka sare ee BFS.

Kulankii markii la furay ajanadahana la gudo galay ayaa ugu horreyn la dhaariyay 6 senator oo si toos ah uga mid noqday xubnaha aqalka sare, kadibna waxaa laga dooday ajandaha shirka oo la isla gartay in xubnaha guddiga lagu soo xulo qaab dowlad goboleed ah iyadoo Lixda dowlad goboleed la kala siiyay min xubin ay ku yeelanayaan guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Magacyada Xubnaha Guddiga 6 ah ee la doortay:

aqalka sare

 

Goobjoog News