U bood dhigaalka

Akhriso: Yaa Ku Soo Baxay Kuraasta Maanta Lagu Doortay Muqdisho?

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta magalaada Muqdisho lagu doortay sedex kursi, kuwaas oo deegaan doorashadoodu ay tahay gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxaana doorashadoodu lagu madalsanaa 2-dii bishan .

Kuraaasta doorashadooda maanta la qabtay ayaa kala ah kuraasta tirsigoodu yahay HOP#218,  HOP#270, HOP#226.

1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#218 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Cilmi Ibraahim, kaas oo ku guulaystay codad gaaraya 92 cod, kadib markii uu ka  tanaasulay tartanka musharrax xildhibaan Abdiraxmaan Cismaan Xuseen.

2: Kursiga tirsigiisu HOP#226 ayaa waxaa kusoo baxday xildhibaan marwo Maryan Maxamed Ciise, taas oo 98 cod gacantaag ah ku guuleysatay kadib markii doorashada ay ka tanaasushay musharrax xildhibaan marwo Khadiija Cali Warsame.

3:  Kursiga tirsigiisu yahay HOP#270 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdiwahaab Maxamed Cumar, kaas oo 97 cod ku guuleystay oo gacantaag ah, kadib markii doorashada uu ka tanaasushay  musharrax xildhibaan Muna Axmed Diiriye.

Kuraasta maanta lagu doortay magaalada Muqdisho oo deegaan doorashadoodu ay tahay gobolada Waqooyi ayaa waxaa ay kamid noqanayaan baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomalaiya.