U bood dhigaalka

Akhriso: Yaa U Tartamaya Kuraasta Maanta La Dooranayo?

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in magaalada Galkacyo ay ka dhacdo doorashada 3 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.

Kuraasta maanta la dooranayo ayaa kala ah HOP#069, HOP#038 iyo HOP#095.

Waxaa baarlamaankii 10-aad ku matalayay dadka reer galkacyo kuraastaan xildhibaanada kala ah :-

HOP#038: Axmed Macalin Fiqi

HOP#069: Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa

HOP095: Cabdikariin Khaliif Dhalac

Waxaa hadda u tartamaya kuraastaan musharixiinta kala ah :-

HOP#038: Waxaa u taratamaya musharixiinta kala ah  Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan, Maxamed Cabdi Aadan, Adan Warsame Cilmi, Maxamed Cabdi Faarax iyo Saciid Daahir Sheekh.

HOP#069: Waxaa u taratamaya musharixiinta kala ah   Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, iyo Musharax Maxamed Axmed Maxamed.

HOP095: Waxaa u taratamaya musharixiinta kala ah  Cabdikarin Khaliif cabdi-dhalac, Maxamuud kudun Xiimaa, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud iyo Maxamed Saciid Faarax.

Goobjoog News