U bood dhigaalka

Akhriso:Xildhibaannada Banaadiriga ee Kusoo Baxay Doorashadii Muqdisho

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta magaalada caasmadda ah ee Muqdisho lagu doortay shantakursi Beelaha Banaadiriga ku matalaysa golaha  Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya, oo ku jira maalmihii ugu dambaysay dooshadiisa.

1:HOP#084 ayaa waxaa ku guuleystay xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji, kaas oo  Beelaha Baandiriga ku matali doonta Baarlamaanka 11-aad, waxaana Baarlamaankii hore  Baanaadiriga kumashay  Fahma Axmed Nuur kursigaan084.

May be an image of 1 person

2:Kursiga tirsigiisu yahay 034 ayaa waxaa kusoo baxday xildhibaan Khadiijo Maxamed Al Maqsuumi, waxaana golaha ay ku matali doontaa  afarta sano ee soo socota, Baarlamaankii 10-aad waxaa ku fadhiyey fadhiyay Khaalid Macow Cabdulqaadir.

May be an image of 1 person and sitting

3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#266 ayaa waxaa kusoo baxay Cumar Shariif Maxamed (Jeeg), waxaana Baandiriga uu ku matali doonaa Baarlaamaanka 11-aad, waxaa kursigaan Baarlamaankii hore ku matalay Beelaha Biibi Khaliif Maxamed.

May be an image of 2 people

4: Kursiga tirsigiisy yahay #HOP105, ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Cadde oo ku matali doonaa afarta sano ee soo aadan golha shacabaka waxaa Baarlamaankii hore ku matalay Beelaha  Jeylaani Nuur Iikar.

May be an image of 1 person and standing

5: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#265ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Nuur Abuukar, waxaana Baandiriga uu ku matali doonaa Baarlaamaanka 11-aad, kursigaan Baarlamaankii hore ku matalay Beelaha Lutfi Shariif Maxamed Cumar.

May be an image of 1 person, sitting and indoor

Xildhibaannadaan 5 ah ee maanta lagu doortay Muqdisho ayaa ah kuraasta beelaha Baandiri ah ay ku leeyihiin saamiga Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya ku dgisan 4.5,, oo Soomaali ku heshiisay adib burkii dhacay.

Goobjoog News