U bood dhigaalka

Akhriso:Xildhibaannada Kusoo Baxay Doorashadii Gaalkacyo

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Gaalkayo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa maanta lagu doortay afar kursi oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ahaa 5 kursi oo guddigu shaaciyey.

1:Kursiga tirsiiisu yahay HOP#013 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Aadan Cismaan Xuseen, kaas oo 82 cod ku guulaystay waxaana tartanka ka haray  Maymuun Xuseen Maxamed, taas oo aheyd musharraxaha kale ee kursiga.

2:Kursiga tirsiiisu yahay HOP#101 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Xersi Aadan Rooble,kaas oo kusoo baxay 88 cod, waxaana doorashada looga guulaystay  Caasho Xirsi Maxamed,taas oo aheyd musharrax kale ee ku orneyd  kusiga.

3: Kursiga tirsiiisu yahay HOP#001 ayaa waxaa kusoo baxday xildhibaan Jawaahir Maxamed Axmed, taas oo 101 ku soo baxday kadib markii ay ka tanaasushay kursiga musharrax Farxiyo Xasan Maxamed, taas oo aheyd musharraxa kale.

4: Kursiga tirsiiisu yahay HOP#017 ayaa waxaa kusoo baxday xildhibaan Qaladla Cali Cawaale, taas oo ku guulaysatay 79 cod, kadib markii tartanka ay isaga haray  musharrax Axmed Cismaan Aadan, kaas oo sheegay inuu ka tanaasulay kursiga.

5:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#060 ayaa waxaa ku tartamay afar musharrax oo dumar ah waxaana wareega koowaad ka gudmay Ubax Tahliil Warsame oo kursiga ku fadhisay Baarlamaankii 10-aad iyo Qaali Cali Shire oo ah musharrax cusub

Ubax Tahliil Warsame 44 cod.
Qaali Cali Shire 32 cod.
Hodan Cabdullaahi Shire 17 cod.
Ayaan Xuseen Xasan 8 cod.
Waxaa wareega labaad u gudbay Ubax Tahliil Warsame iyo Qaali Cali Shire waxaana guddiga uu sheega in lagu kala saarayo labada Musharax codka haldheerida ah haddii ay ismari waayaan, waxaana markii dambe kusoo baxday Qaali Cali Shire
May be an image of 5 people, people standing and headscarf
Goobjoog News