U bood dhigaalka

AMISOM oo ku celisay in ay labo jibaarayso howl galada hub ka dhigista ah

Sheeko:War
????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????
Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ku sugan gudaha xarunta Xalane, Muqdisho

Taliska ciidamada  Midowga Afrika ee ka howl gala  Soomaaliya ayaa mar kale sheegay in ay si buuxda uga qayb qaadan doonaan  talaabooyinka ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku doonayso in ay ku sugto amaanka Muqdisho.

Taliyaha ciidanka AMISOM ee gobolada Banaadir iyo labada SHabeele Dick Alum ayaa warbaahinta kula hadlay Muqdisho,waxuuna sheegay in ay labo laabayaan sugida amniga Muqdisho.

“Soomaaliya waxan u joognaa inaan sugno amniga, haatana waxaan cadaynayaa inaan ka qayb qaadan  doono howl galada  soconaya,”ayuu yiri Dick Alum ,waxuuna intaa ku daray in tllaabo kasta oo ay qaadayaan ay kaga dambayn doonaan dowladda Soomaaliya.

Dick Alum ayaa  shirkiisa jaraa’id  ku soo hadal qaaday inay talaabo ka qaadi doonaan dhinacyada hubaysan ee ku sugan Muqdisho.

“Ciddii farta na loogu fiiqo oo ay dowladdu amar nagu siiso inaan hub ka dhigis ku samayno waan weeraraynaa,waxaana faraynaa dhinacyada hubaysan in ay  soo wareejiyaan hubka,”ayuu ku daray hadalkiisa Dick Alum.

Dhanka kale Taliska ciidamada AMISOM ayaa hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya ku wareejiyay maleeshiyaad lagu soo  qab-qabtay dagaalkii degmada Wadajir ka dhacay 15-kii bishaan , kaasoo lagu qaaday xarunta guddoomiyihii hore ee Wadajir Axmed Daaci.

Halkii lagu  wareejinayay maleeshiyadaas ayaa waxa goob joog ka ahaa taliyaha hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya.