U bood dhigaalka

Ankara: Madaxwayne Erdogan oo maanta la caleema saarayo

Sheeko:Caalamka
Erdogan
Erdogan

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga lagu caleema saaro madaxwaynaha cusub ee dalkaas mudane Rajab Dayib Erdogan oo bilowgii bishan ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Turkiga.

Wafdi uu hogaaminayo madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Ankara ayaa ka mid ah madaxda ka qayb gelaya xaflada caleemo saarka Erdogan.

Qaban qaabada munaasabada madaxwayne Erdogan loogu dhaarinayo xilka cusub ayaa laga dareemayaa guud ahaan Turkiga.

Xaflada caleemo saarka ayaa lagu wadaa in ay ka soo qayb galaan  madax  ka socota caalamka, kuwaas oo xiriir wanaagsan la leh  Turkiga.

SHacabka Turkiga ayaa Rajab Dayib Erdogan u doortay xilka madaxwaynenimo 11-kii bishan, kadib doorashadii ugu horeysay ee ay u dareeraan taariikhdooda.

Mareykanka ayaa u diraya munaasabadan caleemo saarka xubin ka tirsan safaarada uu ku leeyahay dalka Turkiga, halka aysan jirin masuuliyiin ka socota dowladaha galbeedka Yurub oo ka qeyb galaya xafladan.

Erdogan ayaa saddex jeer dalka Turkiga ka noqday ra’iisal wasaare.