U bood dhigaalka

António Guterres oo Farmaajo Ku Adkeeyey Dhaarta Xildhibaannada ee 14-ka April

Sheeko:Baarlamaanka

Xogheyaga guud ee qaramada Midoobey António Guterres ayaa adkeeyey in xildhibaannada la dhaariyo 14-ka April, lana dhameystiro doorashada baarlamaanka inta harsan.

António Guterres oo khadka telefanka kula hadlay Farmaajo ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in hey’adda UNka ay u taageereyso Soomaaliya dhanka la dagaalanka argigixisada, abaaraha dalka ka jira in muddo ah.

Xogheyaha guud waxaa uu sidoo kale ka hadlay isbadalka ku yimid shaqada African Union Mission in Somalia (ATMIS), isaga oo intaa raaciyey inuu rajeynayo in Ciidanka Soomaalida uu dhowaan la wareegi doono amniga dalka.

Mucaaradka ayaa qaba walaac ku aadan in Farmaajo uu carqaladeyn doono dhaarinta xildhibaannada oo lagu wado in ay Muqdisho ka dhacdo 14-ka bisha April 2022-ka .

Goobjoog News