U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Adkeeyay Muddeynta Mooshinka Jawaari

Sheeko:Baarlamaanka

Guddigii Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya u xir saaray xal u raadinta khilaafka golaha shacabka ayaa maanta mar kale adkeeyay in la muddeeyo mooshinka ka dhan ah guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Qoraal dheer uu guddiga soo saaray waxaa ka mid ahaa:

Guddiga waxaa uu codsanayaa xubnaha guddiga joogtada ah iyaga oo wax kasta ka hormarimaya danta guud ee dalka xeerinayana duruufaha adage e dalka marayo in

1 . U midoobaan gudashada waajibaadka dastuuriga ee kaga aadan maareynta mooshinka laga keenay Guddoomiyaha golaha shacabka , si waafaqsan qodobka 65-aad faqradiisa 4-aad ee Dastuurka dalka qodobkiisa 9-aad faqradiisa 4-aad iyo 5-aad ee xeer Hoosaadka Golaha shacabka.

2 . Dhammaan xubnaha Golaha Shacabka waxaan ka codsaneynaa in ay ilaaliyaan midnimada guud ee golaha shacabka iyo danta guud ee Qaranka Soomaaliyeed.

Waakhtiyeynta Aqbalaada Mooshinka Golaha Shacabka

B . Si looga fogaado is qab-qabsiga muddada mooshinka Guddigu waxa uu arkaa in aqbalaada mooshinka laga soo bilaabo Maarso 18, 2018.

T . Si looga badbaado xasiloonni darro siyaasadeed, mid amni iyo mid dhaqaale. Guddigu wuxuu ku talinayaa :

1 . In dhiacyada khilaafku khuseeyo muujiyaan tanaasul iyo wada shaqeyn buuxda.

2 . Aqalka sare waxaa uu diyaar u yahay korjoogeynta iyo fududeynta sida ay ku dhici lahayd dooda, iyo codeynta iyagoo la kaashanaya masuuliyiinta ay khuseysoee Golaha Shacabka.

3 . Haddii lagu guul dareysto maareynta mooshinka ka yaal guddoomiyaha Gudoomiyaha golaha shacabka sida : in la horkeeno Golaha, laga dodo, loona codeeyo inta ka horeysa muddada sharcigu cayimay, guddigu wuxuu arkaa in mooshinkaasi uu buraayo.

Codsi Meel-marin iyo Mahadnaq:

B . Guddigu waxa uu ka codsanayaa dhamaan dhinacyada khilaafku ka dhaxeeyo in ay ka shaqeeyaan meelmarinta talooyinka Guddiga aqalka sare.

T . in madaxweynaha JFSoo ah ilaaliya sarreynta sharcigu uu culeys ku saaro dhinacyada ay khuseyso sidii xal looga gaari lahaa loona meelmarin lahaa talooyinkan.

J . Guddigu waxaa uu mahadcelinayaa Beesha Caalamka iyo dareenka iyo dareenak ay ka muujiyeen khilaafka Golaha shacabka, waxaan ka codsaneynaa in ay gacan ka geystaan sidii loom eel marin lahaa tallooyinkan.

  1. Guddigu waxa uu u mahadcelinayaa qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah sida ururada SOCENSA iyo ururka Abwaaniinta, culimada diinta aqoonyahannada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed taageerada iyo tallooyinka ee wax ku oolka ah ee ay guddiga la soo wadaageen.

Kh . guddigu waxa uu ka codasanayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed in laga wada shaqeeyo deganaashaha dalka iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Goobjoog News