U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Anisixiyey Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha Aqalka Sare BFS ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 6aad kulankiisa 6aad ayadoo Ajandaha kulanku ayaa ahaa:

1. Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Shidaalka(Batroolka)
2.Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda siyaasiyinta Doowlada.

Kulanka waxaa shir Gudoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi.Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Wasiirka Batroolka XFS Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa marsiiyay Golaha Aqalka Sare Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Shidaalka,(Batroolka).

Guddomiyaha Aqalka Sare ayaa 28,Oktoobar 2019 ayaa si rasmi ugu gudbiyay Hindise-Sharciyeedka Shidaalka,(Batroolka) guddiga Kheeyraadka Qaranka,kaabayaasha dhaqaalha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare si waafaqsan si waaafaqsan Qodobka 45aad ee (1) ee xeer-hosadka Aqalka Sare.

Ajanadaha 2aad ayaa ahaa Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda siyaasiyinta Doowlada.

Kulanka waxaa soo xaadiray 32 Senatar, Tirada guud ee Senatarada ayaa u codeeyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda siyaasiyinta Doowlada.

Ugu danbeeyn Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ku dhawaaqay natiijada codeeynta oo u dhacday sid tan;

Tirad Ogaalatay 20, senatar, Tirada diiday 10 ,Senatar ,
Tirada ka amuusay 1, Senatar.