U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Astaan U Noqday Goob Shaqo, Akhirso Dhammaan Howlihii Ay Qabteen Kalfadhiga 1aad

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha aqalka sare ee baarlamaanka 10aad waxaa ay sabtidii soo xireen kalfadhiga 1aad, tillaabada ammaanka mudani waa Xildhibaannada golahan oo meel eber ah wax ka soo bilaabay ayaa maanta aqalka sare ka dhigay hey’ad dastuuri ah oo shaqeysa.

Kalfadhigooda 1aad waxaa uu furmay January 1, 2017kii, waxaana furay ra’isul wasaarihii hore Cumar Cabdirashid, golaha waxaa uu yeeshay 28 kulan, kulamo caadi ah iyo kuwoo aan caadi aheyn, waxaa ay sidoo kale ka qeyb-galeen doorashada madaxweynaha 9aad ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee dhacday February 8, 2017-kii.

Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda dib u xusuusin waxqabadkii golaha aqalka sare tan iyo markii uu kalfadhiga bilowday.

Shaqada Aqalka Sare:

Golaha aqalka sare waxaa ay guddoon doorteen January 22, 2017kii, guddoomiye waxaa noqday Cabdi Xaashi Cabdulahi, guddoomiye ku-xigeenka 1aadna Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari)  halka guddoomiye ku-xigeenka 2aad loo doortay Mowliid Xuseen Guhaad.

Kulanka 6aad oo dhacay February 25, 2017, waxaa ay golaha aqalka sare ansixiyeen Labo Hab-dhowre oo rasmi ah iyo 5 guddi oo KMG ah.

Guddoomiyaha aqalka sare oo Goobjoog News la hadlay waxaa uu sheegay in guddiyadan 6da loo qabtay todobaad, hadalaladiisa waxaa ka mid ahaa: “Waxaa ku rajo weynnahay inay guddiyadaas ay soo diyaarinayaan hawlaha oo kolkaas ay noo keenayaan isbuuc gudihiis qolada ugu dambeysa waxaa ka rabnaa in Todobo cisho ay ku soo dhameeyaan iyo wixii ka horreeya kadibna marka aan aqalka hor dhigno  waxay soo diyaariyeen oo aqalka uu go’aamiyo ka dibna aan sidaas ku hawlgalno”.

March 11, 2017, Golaha aqalka sare waxaa ay ka doodeen abaaraha iyo sidii guddi loo dhisi lahaa, iyaga oo ansixiyay astaanta golaha, labo maalin kadib waxaa lagu dhawaaqeen xubnaha aqalka sare ee guddiga abaaraha.

Golaha aqalka sare, waxaa ay dood dheer ka yeesheen qodobada xeer-hoosaadka kaas oo akhris iyo dood kadib la anisixyay April 11, 2017-kii.

Golaha aqalka sare ee baarlamaanka 10aad waxaa uu xeer-hoosaadka soo raaciyay qodobo dastuurka ku jira oo ay tahay in wax laga badalo, arrintaasi oo aan weli la bilaabin.

Golaha shaqada uu qabtay waxaa ka mid ahaa xulista guddiyada joogtada ah ee golaha, doorashada guddiga dib-u-eegista dastuurka ee aqalka sare iyo arrinta ugu muhiimsan oo aheyd in guddiyadaas loo kala qeybiyo Xildhibaannada oo guddi walba ay doortaan guddoomiye, ku-xigeen iyo xoghaye.

Intii uu kalfadhiga 1aad socday waxaa golaha aqalka sare ee baarlamaanka 10aad warbixinno siiyay hey’ado dowladda ka tirsan waxaana ka mid ahaa: Warbixinta Xeer-ilaaliyaha qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, Guddoomiyaga guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) iyo guddiga madaxabannaan ee dib u eegista dastuurka oo warbixin golaha siiyay sabtidii kulankii ugu dambeeyay ee xiritaanka

Hadaba, Golaha aqalka sare waxaa jirta in aanay laheyn miisaaniyad, kumana jirin miisaaniyadda 3da bil aheyd ee dhawaan la ansixiyay, sidaa ay tahay waxaa ay qabteen shaqo la dhihi karo waa mid ku dayasho mudan, waa aqal meel eber ah wax ka bilaabay oo maanta hey’adiisa ay u dhisan yihiin, rajada waa in xildhibaannada xilliga fasaxa ay aadaan goobihii laga soo doortay iyo in kalafadhiga 2aad haddii alle idmo uu ka shaqo bato midkan.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

Goobjoog News