U bood dhigaalka

Aqalka Sare oo Kulan Ka Yeeshay Dastuurka iyo Wax Ka Bedelkiisa

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyha golaha aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo uu wehlinayey guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mowliid Guhaad ayaa maanta shir guddoomiyey kulan ay yeesheen guddi joogtada golaha aqalka sare, waxaana warbixin looga dhageystay guddiyada loo xilsaaray dib u eegista dastuurka dalka.

Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar oo guddiga ha hor hadalay ayaa ayaa yiri “ Haddii labada aqal ay ansixiyaan maxaa dhacaya Dastuurkii la heystay sida dhaqanku ahaa, waxaa uu ku egyahay bishaan December 2020 dastuur kale oo aan sii heysanayno majiro, maxaa yeelay Baarlamaankii 9-aad qodobka 136 waxaa uu si cad u sheegayaa xiliga koowaad ee Baarlamaanka 9-aad, waxaa uu ahaa markii dowladda kumeel gaarka ah laga soo baxay xiligiisa waan dastuurku dhammaadaa waa in labada aqal ansixiyaan Baarlamaanku ansixiyo aftina loo qaado”.

Senator Xuseen Sheekh xoghayaha guddiga dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ayaa dhankiisa yiri” Qararkii sanad ka hor aan golaha ka horjeedinay, waxaa in la ansixiyo badbaadadiisaa ku jirta, shaqadii afarta sano la qabtay in la badbaadiyo, meeshana lagu ilaaliyo, intii la qabtay meesheeda lagu ilaaliyo, madhammeystirna, dib u eegista labada guddi ay sameynaayeen gaar ahaan dhanka farsamada ayaa ugu badan guushii la gaaray”

Xoghayaha oo sii hadlaayo ayaa yirui “ Waxaa ku xigtay in latashiyo badan la sameeyey oo meelo badan la gaaray dowlad goboleedyada, oo caqabado iyada laftirkeeda ay ku jirtay, waxaa ku xiga in arrimihii wadaxaajoogdakaiyo farxasamadii inta la kala saaray wixii wadaxaajoodka u baahnaa wax uun laga blaabay”

Dr, Maxamed Daahir Afrax guddoomiyaha guddiga madaxbannaan iyo hirgelinta dastuurka ayaa dhankiisa warbixin ka siiyey guddiga, waxaana uu sheegay in dadaal dheer ay u galeen dhameystirka qabyo qoraalka.

“Gurmad badbaado inaan idin kugu baaqno labada aqalba gurmad badbaado inaad samaysaan oo maxaa ah? Gurmad badbaado oo Dastuurka looga badbaadinaayo in wixii afar iyo toban sano laga soo shaqeynayey in ay tacab khasaar noqodaan oo markii hadda baarlamaanka la yimaado Alif waxmaleh haddana laga soo bilaabo” ayuu yiri.

Goobjoog News