U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Maanta Kulmaya, Akhriso Ajendaha

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka golaha aqalka sare ayaa shaaciyay jadwalka Hadal jeedinta guddoomiyaha golaha aqalka sare iyo labadiisa ku-xigeen.

Maanta oo sabti ayaa lagu wadaa in khudbadahooda la dhageysto musharixiinta guddoomiyaha aqalka sare iyo ku-xigeenadiisa .

Senatorada aqalka sare  ee baarlamaanka 11-aad ayaa xalay loo diray fariimo ku aaddan in ay soo xaadiraan kulanka maanta.

“Senatorrada Aqalka Sare BFS waxay maalinta barri ah oo ku beegan 23 April 2022 yeelan doonnaan kulan, Ajendaha kulanku waa Hadal-Jeedinta Musharraxiinta u tartamaya Guddoonka Aqalka Sare BFS” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee aqalka sare.