U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Maanta La Horkeenayo Qorshaha Kalfadhiga 3aad

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in la horkeeno qorshaha kalfadhiga 3aad.

Qorshahan oo ay in muddo ka soo shaqeynayeen guddiga joogtada ah ayaa sidoo kale laga doodi-doonnaa, waxaana warar qaar sheegayaan inay dhici karto in isla maanta la ansixiyo.

Baarlamaanka 10aad oo labadiisa aqal si wadajir ah u furmeen ayaa waxaa hadda shaqeeyo aqalka sare kadib markii ay istaageen kullamadii golaha shacabka taas oo loo sababeynayo khilaaf soo kala dhex-galay Xildhibaannada.

Wararka arrintan ku saabsan, kala soco, Goobjoog News