U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Warbixin Tahriibka La Xiriirta Ka Dhageystay Safiir Fiqi Iyo Oradyahan Cali Bile

Sheeko:Baarlamaanka

Safiirka Soomaaliya ee u fadhiya Midowga Yurub  Danjire Cali Saciid Faqi oo maalmihii dambe ku howlanaa arrimaha soo daadgureynta qaxootiga Soomaaliyeed ee Libya ayaa maanta waxaa uu warbixin arrimahaasi la xiriira siiyay golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi waxaa uu qaxooti ka keenay dalka Libya muddo 3 jeer ah, Febraayo oo hal jeer ah iyo 2 jeer oo Maarso ah, tirada guud ee la soo celiyay waa 37 qof.

Soo-qaadista qaxootiga waxaa ay dowladda federaalka ah kala kaashaneysaa Hay’adda QM dhanka socdaalka u qaabilsan ee IOM.

Kulanka maanta waxaa kale oo sida dhalinyarada looga celin karo tahriibka kala hadlay orod-yahanka Soomaaliyeed ee caanka ah Cabdi Bile Cabdi.

Goobjoog News