U bood dhigaalka

Ardayda Koonfur Galbeed oo u Fariisatay Imtixaanka Shaadiga Ee Dugsiga Dhexe

Sheeko:Waxbarashada

Magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeel Gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe  oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada iyo Hidaha iyo tacliinta sare.

Arday maanta Imtixaanka u fariisatay ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay 7,589 Ardey ayaa guud ahaan koonfur Galbeed sanadkan u fariisaneysa Imtixaanka Dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad,kaas oo ardaydu ugu gudbayaan  dugsiga sare.

Waxaa furitaanka Imtaxaanka ka qeyb galay guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlmaanka Koonfur Galbeed , wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Agaasimha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo mas’uuliyiin Koonfur Galbeed ah.

Goobjoog News