Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo miro dhal ah la qaatay Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Liibiya, Mudane Maxamed Al-Manfi iyo Ra’iisal Wasaaraha dalkan Mudane Cabdixamiid Dubayba oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada tahriibka, dhaqaalaha, tamarta iyo diblumaasiyadda.